Waa war wanaagsan, xabad joojin ayaa ka dhacday GAZA.

𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝗱𝗮𝗴𝗮𝗮𝗹 𝗯𝗮'𝗮𝗻 𝗼𝗼 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮𝘆 𝟭𝟱 𝗯𝗶𝗹𝗼𝗼𝗱 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗤𝗮𝘇𝗮, 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗱𝗵𝗲𝘅𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗮𝘆𝗮𝗮𝗹 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗾𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗜𝘀𝗿𝗮𝗲𝗹 𝗶𝘆𝗼 𝗫𝗮𝗺𝗮𝗮𝘀 𝗮𝘆 𝗼𝗴𝗼𝗹𝗮𝗮𝗱𝗲𝗲𝗻 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝘅𝗮𝗯𝗮𝗱 𝗷𝗼𝗼𝗷𝗶𝗻 𝗮𝗵.

Heshiiska ayaa la filayaa in uu keeno joojinta dagaalka muddo lix todobaad oo bilow ah oo ay weheliso furitaanka wada xaajoodyada lagu soo afjarayo gebi ahaanba dagaalka, waxaana heshiiska lagu gaaray sii deynta maxaabiista Xamaas iyo Falastiiniyiinta ee gacanta ugu Israel kuwaas oo gaaraya tiro ahaa 2,000 oo qof oo ay mid yihiiin 250 qof oo dil toogashonah ku xukunnaa.
●Heshiiskan waxaa gacan ka gaystay oo ukala dab qaadayay labada daraf oo dhexdhexaadinayay dowladaha kala ah Qatar, Masar iyo Mareykanka.
● kooxaha falastiiniyiinta waxay iyana dhankooda sii dayn doonan 33 maxabiis Israeliyin ah.
●Israa'iil waxay u oggolaan doontaa dadka ku dhaawacmay Qaza inay u safraan si ay u helaan daaweyn.



𝑺𝒂𝒂𝒎𝒂𝒚𝒏𝒕𝒂 𝑻𝒓𝒖𝒎𝒑.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa ka falceliyay ka dib heshiskan oo la aaminsan yahay inuu lug wayn ku lahaa xilli Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen in la soo afjaro 15-kii bilood ee colaadda Gaza.
Trump wuxuu yiri: "Heshiiska xabbad joojinta waa mid cajiib ah. Aad ayaan ugu faraxsanahay la haystayaasha Mareykanka iyo Israa'iil inay ku laaban doonaan dalkooda si ay ula midoobaan qoysaskooda iyo kuwa ay jecel yihiin."

Post a Comment

0 Comments