(24.07.2024 ____Beirut): Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacada maanta baahisay muuqaal ay ku sheegtay in ay qabatay diyaarad aan duuliye lahayn, waxayna sheegtay in ay soo bandhigtay diyaarado iyo goobo lagu kaydiyo shidaalka oo ku yaalla saldhigga ciidamada cirka ee lagu magacaabo Ramat David ee ay leeyihiin ciidamada Israa'iil ee gumaystaha ah, oo qiyaastii 50 KM u jirta xadka Lubnaan.
Kooxda ayaa sheegtay in filimkan la qabtay shalay oo Talaado ahayd. Waa muuqaalkii saddexaad ee taxane ah oo ay qaaday diyaarad sahan ah oo ay Xisbullah u bixisay “Hoopoe”.
0 Comments