GIRONA WAY XAQIIQSADEEN KA QAYB GALKA CIYAARAHA CHAMPIONS LEAGUE EE SEASONKA DAMBE.........



Girona ayaa ciyaari doonta tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda markii ugu horeysay taariikhda ee kooxda ka dib markii ay 4-2 ku garaacday Barcelona habeenkii xalay oo sabti ahayd.

Guushii ay ka gaareen kooxda ay ku afiiltamaan Catalan ee Barcelona ayaa u sahashay inay 13 dhibcood ka sarreyso kooxda kaalinta shanaad ee Athletic Bilbao si ay u dammaanad qaadaan mid ka mid ah afarta boos ee loogu soo bixi karo tartanka xilli ciyaareedka soo socda iyadoo afar kulan ay harsan yihiin.

Post a Comment

0 Comments