𝐋𝐢𝐯𝐞𝐫𝐩𝐨𝐨𝐥 𝐯𝐬 𝐌𝐚𝐧𝐜𝐡𝐞𝐬𝐭𝐞𝐫 𝐔𝐧𝐢𝐭𝐞𝐝 - 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐫𝐛𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐬𝐧𝐞𝐜𝐞𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐚𝐬𝐞 𝐮𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧𝐚𝐚𝐝 𝐤𝐚 𝐨𝐠𝐚𝐚𝐭𝐢𝐝;...............
𝙒𝙖𝙧𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙠𝙖 𝙘𝙪𝙨𝙪𝙗 𝙠𝙤𝙤𝙭𝙖𝙝𝙖𝙣;
Daafacyada kale ee Conor Bradley iyo Ibrahima Konate ayaa labaduba ku soo laabtay tababarka buuxa, halka Dominik Szoboszlai uu mar kale diyaar yahay ka dib markii uu soo dhameystay ganaax hal kulan ah.
Weeraryahanka Manchester United Marcus Rashford ayaa xanuun ku seegi doona kulankaan.
Bruno Fernandes iyo Manuel Ugarte ayaa ka soo laabtay ganaax laakiin Victor Lindelof, Mason Mount iyo Luke Shaw ayaa weli dhaawac ku maqan.
𝙓𝙖𝙦𝙞𝙞𝙦𝙤𝙤𝙮𝙞𝙣𝙠𝙖 𝙞𝙨𝙠𝙖 𝙝𝙤𝙧-𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙡𝙖𝙗𝙖𝙙𝙖𝙣 𝙠𝙤𝙤𝙭𝙤𝙤𝙙;
Kaliya hal guuldaro ayaa soo gaartay kooxda Liverpool dhamaan 13-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay wajahday Manchester United iyagoo badiyay 7 kulan, 5 kulanna bareejo wada galeen, waxay ahayd guuldarro 2-1 ah oo soo gaartay ciyaar ka dhacday Old Trafford bishii Agoosto 2022.
Kooxda Man Utd ayaa sideedii kulan ee ay martida u ahayd Liverpool; guul la’aan ah waxayna kala kulantay Liverpool (4-bar-baro iyo 4 guuldarro) waa koodii ugu dheeraa tan iyo sagaal kulan oo guul la’aan ahaayeen iyagooo Anfield ku ciyaarayay intii u dhaxaysay 1970 ilaa 1979.
Dhanka kale Man Utd kaliya hal gool ayay ka dhalisay sideedii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku soo ciyaartay garoonka Liverpool iyaga oo aan wax gool ah dhalin shantii kulan ee ugu dambeeyay ee ay u safraan Anfield.
Sidoo kale waa markii ugu horeysay oo kooxahaan ay isaga horyimaadaan kulankooda furitaanka horyaalka sanadka cusub tan iyo 1989, markaasoo Red Devils ay 3-1 ku badisay Old Trafford maalintii sanadka cusub.
Fikirkaaga, Miyay Mac Utd caawa iska tuuri doonan heeryada guuladaroyinka marka ay joogaan qalcadda Liverpool mise halkeedi ayay ka sii socon doonan?
0 Comments