
"Inkasta oo aanan wax badan ku sii wadan joojin, hadana waan u
mahadcelinayaa tababaraheenni hore Xavi Hernandez

" xirashada calaamada kabtanimada ee Barcelona ayaa wax badan ka geysatay sare u kacaygan. Kabtanku waa inuu u dagaallamo, dhanka wanaagsan, kooxda, funaanadda, iyo saaxiibadiisa. Waa inuu ku dadaalaa keenista bandhig heer sare ah, caawiyaa ciyaartoyda da'da yar iyo kuwa khibradda leh, oo uu iyagana wax ka barto. Koox kasta oo aan u soo ciyaaray, waxaan had iyo jeer hubiyaa in qof walba uu dareemayo raaxo gudaha kooxda."

"Markaan fiiriyo meesha aan ka imid iyo wax walba oo aan soo maray xirfadeyda, kaliya inaan ka mid noqdo tartanka Ballon d'Or waxay noqon doontaa guul weyn."

"Tattoo-kayga xiga? hubaal waxay noqon doontaa calaamadda Champions League!"

" Kubada cagta lama saadaalin karo, wax badana way dhici karaan hadda ilaa bisha May ee soo socota."

"Waxaan soo ciyaarnay kulamo wanaagsan xilli ciyaareedkan, gaar ahaan Champions League. dhanka La Liga, heerkeenu wuu ka hooseeyaa sidii la filayay, laakiin waxaan u dagaalami doonaa horyaalka ilaa dhamaadka."
0 Comments