The Chaaaaaaaaampioooooooooooonz 🎶 Dib Ayuu u Soo Laabanayaa!
Ka dib markii uu muddo kooban maqnaa, caawa ayuu si rasmi ah dib ugu soo laabanayaa madadaalada ciyaaraha — tartanka labada dhego-wayn ee Champions League! 🔥🔥🔥
Yaa Caawa Ciyaaraya? 👇
Caawa waxaa la daawan doonaa labo kulan oo holac ah, kuwaasoo qeyb ka ah wareega Quarter-Finalka (lugta koowaad) ee UEFA Champions League:
-
🔴 Bayern Munich vs 🔵 Inter Milan
-
🔴 Arsenal vs 🟡 Real Madrid
🔴 Arsenal vs 🟡 Real Madrid – Xog Muhiim ah 👇
-
Real Madrid waxay ku guuleysatay UEFA Champions League 15 jeer laga soo bilaabo 1956 ilaa 2024, taasoo ka dhigeysa kooxda ugu guulaha badan taariikhda tartankan.
-
Arsenal FC waxay ku guuleysatay FA Cup 14 jeer (1930–2020), taasoo ka dhigeysa kooxda ugu guulaha badan FA Cup-ka.
Taariikhda Kulamadooda:
-
Waa kulankii saddexaad ee ay ku kulmaan tartamada Yurub.
-
Kulankoodii ugu dambeysay wuxuu ahaa wareegga 16-ka ee Champions League 2005-06:
-
Arsenal ayaa 1–0 ku badisay lugtii hore (garoonka Real Madrid).
-
Lugtii labaad waxay ku dhammaatay 0–0 (garoonka Highbury).
-
Arsenal ayaa ku soo baxday celcelis ahaan 1–0, una gudubtay finalka xilligaas.
-
Xog Kale oo Xiiso Leh:
-
Tan iyo xilli ciyaareedkii 2017-18, Real Madrid waxay la ciyaartay 22 kulan kooxo Ingiriis ah wareega bug-baxa Champions League:
-
11 guul
-
5 guuldarro
-
6 barbaro
-
🔴 Bayern Munich vs 🔵 Inter Milan – Xog Kooban 👇
-
Kulankani waa kulankii 10-aad ee ay ku kulmaan tartamada Yurub.
-
Bayern Munich ayaa badisay 5 ka mid ah 9-kii hore (1 barbaro, 3 guuldarro).
-
Kulankoodii ugu dambeeyay waxay ahaayeen xilli ciyaareedkii 2022-23 heerka guruubyada, markaasoo Bayern ay 2–0 guul ku gaartay labadii lugood (home & away).
Dhinaca Inter Milan:
-
Inter waxaa laga badiyay 4 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ay la ciyaareen Bayern Champions League.
-
2 barbaro, 1 guul.
Bayern Munich – Rikoodhka Gurigooda:
-
Bayern Munich wax guuldarro ah lama kulmin 22-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkooda ku ciyaareen Champions League:
-
17 guul
-
5 barbaro
-
-
Kooxdii ugu dambeysay ee ku garaacday Bayern gurigooda tartankan waxay ahayd PSG (Paris Saint-Germain) bishii April 2021, ciyaartii lugta hore ee siddeed dhammaadka (3–2).
Raad Reeb Sports
0 Comments