Yaa ku guuleysan doona Euro? Bbc-da ayaa waraysatay weriyayaal iyo falanqeeyayal caan ah oo ka soo kala jeeda xulalkan nus dhamadka soo gaaray, waxaan soo qaadan doona aragtiyahoodii oo kaaban.................................................................................................

 Yaa ku guuleysan doona Euro? Bbc-da ayaa waraysatay weriyayaal iyo falanqeeyayal caan ah oo ka soo kala jeeda xulalkan nus dhamadka soo gaaray, waxaan soo qaadan doona aragtiyahoodii oo kaaban.................................................................................................





Afar xul ayaa isku diyaarinaya semi-finalka Euro 2024, Spain ayaa wajihi doonta France maalinta talaadada ee beriito ah halka England ay la ciyaari doonto maalinta xigta Netherlands.

Spain ayaa doonaysa in ay ku guulaysato tartanka markii afraad, iyada oo markiii ugu dambeysay ku guulaysatay sanadkiii 2012-kii.

Faransiiska ayaa markii ugu dambeysay ku guuleystay 24 sano ka hor halka Holland ay ku guuleysatay 1988 - England ayaana dabcan rajeyneysa inay soo gabagabeyso sugitaanka Koobka Qaramada Yurub markoodii ugu horeysay.



-Guillem Balague oo ah saxafiga kubbadda cagta Spain ka soo warama ayaa soo direy warbixin dheer oo uu ku cadaynaayo sida xulkooda uu u qatar badan yahay wuxuuna warkiisa bilaabay sidaan 🎙: "Spain waxay muujisay inay leeyihiin lakabyo badan"

wuxuu sharaxaadiiisa ku yiraahday; 'Spain ayaa saddex qaab oo kala duwan soo bandhigtay kulankii Germany'.

Waxaan ka ciyaarnay garbaha, ka dib anagoo aan haysan garab iyo weeraryahan ayaa ciyaarta, ka dibna waxaan u guurnay shaxda ah 4-2-4 waqtigii dheeriga ahaa, taasoo la micno ah inaan leenahay tactics dheeraad ah. Waxa ugu muhiimsan waa in aan la qabsanay oo xamilnay wax kasta oo dhanka Jarmalku nagaga imaanayay. Haa waanu guuldaraysan karnay, laakiin marna kamaanu fogayn inaan ku guulaysano kulankaas.

Guillem Balague ayaa warkiisa ku soo xiray: "Waxaan qabaa inaan garaaci doono France oo aan ku kulmi doono England finalka".


Wuxuu saadaaliyay inay xulkiisu ay ugu dambayn koobka ka qaadi doona England markodi 4-aad loo calaama saari doono.



- "Inkasta oo ay England soo bandhigtay qaab ciyaareed dhexdhexaad ah hadana waa tartamayaal xoogan" - waxaa sidaas yidh, Madaxa BBC-da qaybta kubbadda cagta - Phil McNulty.

Wuxuu sheegay inay England tahay xul adkeysi wayn soo muujiyeen markii ay dhibaato soo wajahday kulamadii Swiss-ka iyo Slovakia oo ay ku baxsadeen goolashii Jude Bellingham iyo Bukayo Saka taas oo keentay in ay gaaraan semi-finalka, wuxuuna u soo jeediyay inay soo bandhigaan qaab ciyaareed kooxeed isku xiran si ay uga badiyaan Netherlands.

Spain waxay leedahay dhalinyaro isku dhaf ah oo waaya arag ah, waxayna ku soo biirayaan tartanka waxayna u muuqdeen kooxdii ugu fiicneyd bilowgii – laakiin waxaan aaminsanahay inay tahay inay dhaafaan England si ay ugu guuleystaan ​​Euro 2024.


Phil McNulty wuxuu qiray awoodda xulka Spain wuxuuna yidhi: "Spain waxay leedahay dhalinyaro oo waaya arag isku dhaf ah, waxayna soo bandhigayaan marba marka ka damnaysa awood sare waxayna u muuqdeen kooxdii ugu fiicneyd tartanka min bilowgii – laakiin waxaan aaminsanahay inay tahay inay dhaafaan England si ay ugu guuleystaan ​​Euro 2024 wuxuuna aaminsan yahay inay koobka ay iyagu yihiin cidda ugu dambayn la hiyan doonta.




- “Mbappe waxa uu mar kale noqon doonaa Mbappe” waxaa sidaan qaban Saxafiga reer France ee Julien Laurens:



Waxaan aragnay sida ay u fiican France difaac ahaan, hubaal. Tani waa waxa ay sameeyaan, waa qaabkooda waana DNA- gooda. Sidoo kale waa sida aad ugu guuleysan karto tartamada, adigoo difaac adag leh.

Waxaan rabaa finalka France-England, waxaana filayaa in France, oo ka mid ah afarta semi-finalka, ay leeyihiin khatar badan iyo khibrada wayn marka la joogo heerkan oo kale. Waxaan sidoo kale u maleynayaa in mar uun Kylian uu noqon doono Kylian mar kale oo aan laga adkaan doonin, wuxuuna saadaaliyay in France koobka qaadan doonto.

Waxaan qabaa in Spain ay badin doonto sababtoo ah waxay ciyaarayaan kubad wanaagsan si wadajir ah. England, France iyo Netherlands ayaa wali sugaya inay wax walba isku keenaan, laakiin wakhtigu wuu dhamaanayaa.


-Jesper Langbroek oo ah qoraa kubbadda cagta Dutch ah ayaa yidhi:


Waxaan u maleynayaa in guuleystuhu uu ka iman doono dhinaca kale, isagoo ula jeeday midkood kii soo baxa France iyo Spain inuu koobka qaadi doono. Ingariiska iyo Nederlaan weli lama tijaabin runtii; waxa ay wajaheen kooxo wanagsan balse wali lama aysan ciyaarin wadamada waa wayn, siday ka dhacday Dhinaca khaanada ay ku jiraan France iyo Spain o iyagu soo ciyaaray kulamo wa wayn.

Waxaan qabaa in Spain ay badin doonto ayna koobka qaadi doono sababtoo ah waxay ciyaarayaan kubad wanaagsan oo wadajir ku dhisan. England, France iyo Netherlands ayaa wali sugaya inay wax walba isku keenaan, laakiin wakhtigu wuu dhamaanayaa umana babac dhigi karaan kubadda tayada sare leh ee Spanishka ayuu hadalkiisa ku soo koobay.



Adigu, fikirkaaga, yay kula tahay inuu qaadi doono koobkan?

Post a Comment

0 Comments