Wuu soo dhamaaday wajigii kowaad ee dhex-dhexaadinta, Turkiga ayaana mar kale martigelin doona wajiga labaad shirka dhex-dhexadinta Itoobiya-Soomaaliya oo mar kale lagu balamay bisha Sebtembar: Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan ayaa sidaas ku sheeagy shikiisa jaraa'id.

 Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Isniintii shalay ku heshiiyey inay sii wadaan wada-hadallada Turkigu dhexdhexaadinayo ee lagu xallinayo khilaafkooda, ka dib markii heshiis muran badan dhaliyey oo Itoobiya iyo maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland horaantii sanadkan dhex maray uu labada waddan qarka u geliyey dagaal hubaysan.



Turkiga “wuxuu qaatay doorka fududeeye,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Ankara, kaddib kulan ay wada qaateen dhiggiisa Soomaaliya iyo Itoobiya, Axmed Macallin Fiqi iyo Taye Atske Selassie, kuwaasoo u safray Ankara wareegii koowaad ee wadahadallada.


Wasiirada, xaaladan adaag owgeed  markii ay u kuur-galeen qaabka ay labada dhinac u wada qanacsan yihiin ee ku aaddan khilaafkooda intii ay socdeen wada-hadallada, "waxay isku raaceen in la sii wado wada-hadallada socda si loo xalliyo arrimahooda iyo in la xaqiijiyo xasilloonida gobolka," sida lagu sheegay war-murtiyeed wadajir ah oo la soo saaray. ka dib shir jaraa’id oo ay saddexda wasiir qabteen.


Wareegga labaad ee wadahadalka ayaa lagu qaban doonaa Ankara Sebtember 2, Fidan sidaas  yidhi.


"Ma ahan wax qarsoodi ah, sababtoo ah dabeecadda cakiran ee sheekadaan isbe-bedelaysa, waxaan u baahan doonaa fikrado dheeraad ah oo ku saabsan arrintan," ayuu raaciyay. "Marka la eego waxa aan maqalnay maanta, waxaan weli rajo ka qabnaa mustaqbalka."


Heshiiskii Jan. 1-dii ay kala saxiixdeen maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa Addis Ababa u ogolaanaya in ay galaan Badda Cas si ay u aqoonsadaan Somaliland. Soomaaliya, oo aan u aqoonsanayn Somaliland jamhuuriyadda rasmi ah ama wadan ka madax-banaan, ayaa diiday heshiiska oo ay ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah madax-banaanideeda.


Turkiga ayaa si cad u taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waana saldhigga ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda. Laakiin Ankara waxay sidoo kale xiriir dhow la leedahay Addis Ababa, iyadoo Itoobiya ay Turkiga ka soo iibsatay in ka badan 12 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah 2021-ka.

Si kastaba, dadka Somaliyeed ayaa dhegta u taagaya waxa ka soo bixi doona dhex-dhexaadinta, iyagoo qaarkood ay ka dhaki qabaan inay arinkaani uu yahay mid siyaasadeed oo loogu xalaalaysanaayo  baddood.




Post a Comment

0 Comments