Tababaraha France ee Didier oo karbaashay wariye su'aalo adag waydiiyay!!!!!!

Tababaraha France Didier Deschamps ayaa ka jawaabay dhaleeceyn uu saxafi Iswiidhish ah u soo jeediyay Kylian Mbappe;
Deschamps ayaa Killian ku difaacay shirkii jaraa'id ee ka horeeyay ciyaarta adag ee caawa Vs Spain, inkastoo uu xiddigaan hoos u dhacay bandhigiisu marka loo eego tartamada kale.
Inkastoo weerarka France ay xoogan yihiin, hadana waxay dhaliyeen seddex gool oo kaliya shan kulan oo ay ciyaareen, labo ka mid ah waxay ahaayeen goolal ay iska dhaliyeen xulalkii ay la soo ciyaareed ama waxa loo yaqaano (own goals). Goolka qura ee France tooska u dhaliyeen ayaa waxaa dhaliyay Mbappe waxa uu ahaa rigoore uu ka dhaliyay Poland, xiddigaan ayaana sanka ka jabay kulankii Austria.

Disham ayaa yiri isagoo u jawaabaya wariyaha Swedish ah ka dib marki uu wariyuhu duray ama dhaliilay bandhiga guud ee xulka France iyo kan Kylian Mbappe:
"Swedish ma tahay Maya, waxaad tahay saxafi Faransiis ah, adiguna naftaada ayaad beddeshay. Haddii aad ku daasho ciyaarteena, daawo ciyaar kale, uma baahnid inaad daawato kuweena. Kani waa Horyaalka Yurub aad ayeyna u adagtahay in heerkaan la gaaro. Tani waxay la mid noqon kartaa ciyaarihii hore, laakiin waa waajibaadkeena inaan ka farxino Faransiiska. Haddii Swedishku caajisay, waan ka xumahay, laakiin taasi ima dhibayso"
Runtii Disham si u xun ayuu karbaashay saxafiaan reer Swedish,
Muxuu Disham ka yiri Mbappe?
Wax walba waan sameynay, waxaana hubaa in Mbappe uu mari doono hanaanka saxda ah uuna bandhig wanagsan la iman doono.
Mbappe waxa uu la dhibaatoonayay dhabar xanuun ka hor tartanka, ka dibna sanka ayaa jabay, waxaana filayaa in Kilian uu wax walba samayn doono kulanka soo socda". ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay macalinkan ree France.
Follow us now WCC

Post a Comment

0 Comments