DHAMAAD: SPAIN 2-1 FRANCE
-Spain ayaa gaartay Finalka Euro 2024 waliba iyagoon laga badinin wali!!!!! -Dabaal deg ayaa is qabsaday garoonka waxaana ka hugmayay sawaxanka taagerayasha reer Spain. -France ayaana sidaas ku macsalaamaysay tartankan . Halka Spain ayaana rukumatay booskeeda finalka Axadda oo ay sugan doonan habeen dambe kiii soo baxa England vs Netherlands si ah finalka ula ciyaaraan🔥🔥🔥⚽️
"Waxaan ku soo laabanay meeshii aan mudnayd ee nala ku yaqaanay" -Luis de la Fuente oo ku faanaya haatan shaqaday qabteen......

amine Yamal iyo Dani Olmo ayaa u dhaliyay La Roja goolasha, iyagoo ka dhigay lix guul lix kulan oo ay soo ciyaareen Euro 2024 - iyagoo noqday xulkii ugu horeyay ee lix kulan oo xiriir ah badiyay Koobkan Qaramada Yurub. Ammaanta inteeda badan waxaa iska leh Luis de la Fuente, kaas oo soo agaasimay ciyaartoydaan ciyaarta wanagsan soo bandhigay isagoo gaaray finalka koobkiisii ugu horeeyay ee Spain isagoo tababare ah.
Isagoo la hadlayay ciyaarta ka dib shabakadda Mundo Deportivo (MD), de la Fuente ayaa ka hadlay sida uu ugu han weyn yahay in xulkiisa Spain ay gaaraan finalka Euro 2024.
"Aad ayaan u faraxsanahay, farxaddu waxay ahayd mid aad u weyn inaan halkan imaado laakiin hadda aad ayay u weyn tahay. Waxaan dareemayaa sharaf badan ciyaartoydan, waa kuwa aan caadi ahayn, waxay yaqaanaan sida loo ciyaaro oo ay u akhriyaan ciyaaraha si aan caadi ahayn.
“Waxaan ku soo celinay kubada cagta Spain halka ay iska leedahay. Waa inaan qiimeynaa waxa ay ciyaartoydaan sameynayaan. Waxaan dooneynaa inaan sii wadno sameynta taariikhda, ma dooneyno inaan nasanno, waa inaan diirada saarnaa si aan u wajahno finalka Berlin."
Spain waxay wajihi doontaa England ama Netherlands midkood finalka Axadda, de la Fuente, wax yar ayuu ka yidhi finalka.
Wax dhib ah malaha ciida aan wajahayno, waxaan horay isugu soo aragnay ciyaarihii Koobkan Yurub. Waa laba xul oo weyn, waxaana ku sugaynaa gacmo furan. Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano finalka.”
Spain ayaa haatan KA dhalisay 13 gool Euro 2024, iyagoo barbareeyay rikoorkoodii hal tartan ay goolasha ugu badan dhaliyeen waana Euro 2020.
Kaliya France oo 14 goal ka dhalisay tartankii 1984 ayaa ah xulka Spain ka goolal badan hal tartan abid 


.





Woooow! What a talented!!
0 Comments