Kulanka culus ee caawa: waa EURO 2024 Semi Final.

 Kulanka culus ee caawa: waa EURO 2024 Semi Final.



SPAIN vs FRANCE
⏰ 10: 00 pm

Spain iyo France, oo ah labada camaaliqo oo kubbada cagta Yurub ah, ayaa ku kulmi doona nus dhamaadka tartanka qaramada Yurub iyadoo xulka uu ku haminaayo inuu kan kale garaaco si uu u gaaro finalka.

Kylian Mbappe ayaa hogaamin doona weerarka Faransiiska, halka da'yarka mustaqbalka leh ee garabka ka ciyaara ee Lamine Yamal uu sidoo kale soo jiitay indhaha uu yahay midka sharta badan laga filan karo.

Spain, si ka duwan France, ayaa ku jira qaab ciyaareed aad u fiican iyagoo badiyay shan guul oo xiriir ah, laakiin waxa ay weyn doonaan caawa dhowr ciyaaryahan oo muhiim ah kulankan semi-finalka ah. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Pedri ayaa ka maqnaanaya inta ka harsan tartanka ka dib markii uu ka dhaawacmay jilibka wareega 8da, halka daafacyada Robin Le Normand iyo Dani Carvajal ay ganaax ku maqan yihiin, waxaana la filayaa inay boosaskooda ay buuxin doonan Nacho oo daafaca dhexe kala ciyaari doona Aymeric Laporte iyo Jesus Navas oo sina 38 jir ah uu isna buuxin doono garabka daafaca midig oo Dani Carvajal ka ganaaan yahay.

Kulankan adag ayaa ka dhici doona garoonka caanka ee Allianz Arena ee Munich ku yaala.

France ayaan wali wax gool ah ka dhalinin kulan furan intii uu socday tartankan Euro 2024 sidaas oo ay tahay wali wax wanagsan ayay suubinayaan oo waa iyagaas emi-finalka taagan. Les Bleus waxay ku taamayaan inay khibradoodu shaqayso si ay u gowracaan caawa xulka awoodda badan ee Spain.

Kulamada Kafool ka foolka ahaa ee labadan xul ay kulmeen waa 36- kulan:

-16 guul Spain gaartay,
-13 France ayaa loo diwan geliyay,
-halka ay 7 kale bareejo wada galeen.

Si kastaba ha ahaatee, Spain waa ay adkaadeen 5tii kulan ee ugu dambeeyey ee tartanka Euro 24 oo ay soo ciyaareen halka France ay iyana adkaadeen 2 kulan 3-da kalena ay bareejo qaateen.



Post a Comment

0 Comments