England ayaa iska xaadirisay finalka tartanka Euro 2024 si ay ula ciyaaraan Spain oo iyaduna habeenkii ka horreyey gaartay finalka ka dib markii ay soo garaaceen France

 England ayaa u soo baxday finalka koobka qaramada Yurub kadib markii ay 2-1 ku garaacday Netherlands.

Waa markii ugu horeysay abid oo xulka qaranka England ay u soo baxaan finalka tartan lagu qabto wadan kale oo aan wadankeeda ahayn.

Ciyaartan oo ahayd semi-finalka cidi-yaraha lagu dirirayay, oo Netherland ay dhaliyeen gool hore, England ayaa guulsha ku soo laabatay, iyadoo rigoore uu u dhaliyay Harry Kane, iyo gool uu daqiiqadii ugu dambeeyay dhaliyay Ollie Watkins oo bedel ku soo galay oo ay guushaas taariikhiga ah ay ku qaateen.

England ayaa haatan la ciyaari doonta Spain finalka Euro 2024 oo ka dhici doona Berlin Axada 14ka Luulyo.




Sida ay England ugu soo baxday finalka Euro 2024;

Netherland ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar dar leh,waxayna 7-daqiiqo ee ugu horeeyay gool u dhaliyay 21-sano jirka ee Xavi Simons.

Laakiin tani waxay kicisay England iyadoo Bukayo Saka uu kubad dhex mariyay daafacyada Netherlands, islamarkaana ku gamay balse difaaca ayaa iska soo celiyay isla markaasna waxaa dib u qabsatay  kabtan Harry Kane si uu darbo ugu tuuro goolka.

Si kastaba ha noqotee, Kane waxaa qalad ku galay oo  taakal u dhogay daafaca  Denzel Dumfries khalad ayaana la dhigay

Ka dib markii VAR dib u eegis lagu sameeyay waxaa loogu yeeray inay tahay qalad, waxaana la dhigay rigoore. Kane ayaana gool u bedeley,waxana uu ciyaarta ka dhigay 1-1.

Dhamaadkii ciyaarta, iyada oo ay wali kulanku yahay mid jiq ah layskuna dhegan yahay, maamulaha England Gareth Southgate ayaa go’aansaday inuu Kane u bedelo Ollie Watkins iyadoo sagaal daqiiqo ay ka harsan tahay saacada.

Iyadoo in  waqti dheeriga ah lagu daro ciyaarta ay u muuqatay mid macquul ah,waxaa goolka u dhaliyay England daqiiqadii ugu dambeysay ciyaaryahan Watkins oo bedel ku soo galay ciyaarta,waxayna  ciyaarta ku soo idlaaday 2-1,waxana uu xaqiijistay u  xaqiijiyay xulkiisa inay finalka gaaraan.

Isagoo ka hadlayay goolkii guusha, Ollie Watkins wuxuu sheegay in uu ahaa "wax aan la rumaysan karin" iyo "dareenkii ugu fiicnaa abid".

“Inaad gool u dhalisaa England waa wax cajiib ah laakiin uma malaynayn in aan ku samayn doono tartankan oo kale”. ayuu yiri.

Isagoo la hadlayay ITV, tababare Gareth Southgate ayaa sheegay in gaaritaanka finalka Euro 2024 ay tahay guushii ugu weyneyd ee uu gaaray intii uu England tababare u ahaa: “Waxaan qabaa inay tahay inay noqoto tan ugu fiican, waa calaamad kale, laakiin qaabkii aan u ciyaarnay sidoo kale, waxaan u ciyaarnay si wanaagsan ciyaarta oo dhan.”

Post a Comment

0 Comments