(015-07-24) Somali(OwMusse Posts) Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii dhaawac madaxa ah uu soo gaaray balse xaaladdiisa ay wanagsan tahay, sida uu sheegay ololihiisa doorashada kadib markii rasaas lagu furay isaga oo ka hadlay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay gobolka Pennsylvania.
War qoraal ah oo uu soo saaray ololaha Trump ayaa lagu sheegay in musharraxa madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga lagu daweeyay xarun caafimaad oo maxalli ah. Waxa uu u tagay magaalada Butler ee gobolka muhiimka u ah doorashada si uu isu soo bax ugu qabto.
"Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun," ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.
“Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.”
Madaxweyne Joe Biden ayaa yiri "qof walba waa inuu cambaareeyaa" weerarka. "Rabshadaha noocan ah meelna kuma lahan Ameerika," “Waa wax xun. "Waa wax xun."
Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri “waxaa la igu toogtay xabad taasi oo jartay qaybta sare ee dhegteyda midig”.
"Waxaan isla markiiba ogaaday in ay wax ka khaldan yihiin in aan maqlay dhawaqa xabbado, isla markiiba waxaan dareemay xabbaddu jartay maqaarka," Waxaa sidaas qoraal uu soo dhigay barta Truth Social ku yiri Trump, oo aan dhaawac halis ah soo gaarin.
"Waa wax cajiib ah in falkan oo kale uu ka dhici karo dalkeena."
Dhinaca kale, ilaalada Secret Service ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri “dhowr toogasho ay ka timid meel dusha sare ka ah dhulka oo ka baxsan goobtii uu Trumo ka hadlayey.”
Waxay sidoo kale sheegeen in hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trumo uu ku dhintay, labana dhaawac halis ah uu ka soo gaaray toogashada.
Si kastaba ha ahaatee, xeer-ilaaliyaha magaalada Butler ayaa sheegay in la dilay ninkii rasaasta furay ee toogashada sameeyey waxaa lagu magacaabi jiray Thomas Matthew Crooks.. Waxaa sidoo kale dhintay qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa.
0 Comments