Real Madrid ayaa ku guulaysatay koobka horyaalka La Liga markoodii 36-aad kadib guuldaradii Barca ka soo gaadhay kooxda Girona.

Kooxda Real Madrid ayaa markii 36-aad loo caleemo saaray ku guulaysiga horyaalka La Liga kadib markii ay Barcelona guuldaro 4/2 ah kala kulantay kooxda Girona.



Kooxda Carlo Ancelotti ayaa 3-0 kaga badisay Cadiz horaantii shalay oo sabti ahayd s, waxayna rajaynaysa in Barca ay ku faan si ay ugu dabaal degto iyagoo ciyaarta xigta ciyaarin oo hadii Barce adkaan lahayd Real Kulanka xiga ayay sugi lahaayeen iyo inay ugu yaraan dhibic ka helaan si ay u xaqiiqsadaan horyaalka....

Barcelona ayaa 2-1 ku hogaamineysay qeybta hore ee nasashada, lakiin seddex gool oo ay qeybtii labaad ee ciyaarta ka heshay Girona ayaa ka dhigtay Real inay hogaanka sii dheeraystaan xisaab ahaanna ku guulasytaan horyaalka iyadoo afar kulan uu ka harsan yahay xilli ciyaareedka.


Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jude Bellingham ayaa fure u ahaa guusha Real, isagoo dhaliyay 18 gool 26 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee kooxda.


Bellingham ayaa ku soo qoray bartiisa  X, dibadda "CAMPEONES!!! HALA MADRID Y NADA MAS!!!" taasoo ah  " Waxaan nahay horyaalkka !!! Horey usocda
Real Madrid!!!".


20-sano jirku wuxuu kula biiray oo la mid noqday Laurie Cunningham (1979-80), Steve kuwaas oo ah ciyaartooyda  Ingiriis ah ee ku soo guulasytay  La Liga.


Los Blancos ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, waxaana laga yaabaa inay ku dhameystaan ololaha 99 dhibcood, taasoo noqon doonta wadartooda labaad ee ugu sareysa abid.


Waa horyaalkii labaad ee Ancelotti isagoo ah macalinka Real, isagoo horey ugu guuleystay 2021-22.


Real ayaa haatan ku guuleysatay horyaalka 36 jeer iyagooo sagaal  jeer ka badan  Barcelona  oo iyadu ku ggulaysatay 27 jeer.


Kooxda 14-ka jeer ku guuleysatay koobka Yurub ayaa Arbacada Bernabue ku wajihi doonta Bayern Munich lugta labaad ee semi-finalka Champions League, iyagoo barbaro 2-2 ah ku kala baxay garoonka Allianz Arena.







Diyeeriye:  Lukavic__________________________________________







Post a Comment

0 Comments