Bayer Leverkusen oo ku guuleysatay horyaalka Bundesliga markii ugu horreysay abid: xogo iyo Stats kaa qarsoon ee ka dambeeya ciyaaraha horyaalka in aan laga badin ayna hantaan koobkan........... ogow

Marka koowaad ka dib guushoodii shalay  Bayer Leverkusen waxaa gacanta laga saaray  horyaalka  Jarmalka si ay u hantaan  markii ugu horeysay taariikhda 120-sano oo ay kooxdaasi jirtay.




Kooxda Xabi Alonso ayaa horyaalka ku soo gabagabaysay xaqiijisatayna inay hanteed iyadoo  shan kulan oo u hadhay ka dib markii ay 5-0 ku garaacday Werder Bremen oo ay ku hor yimaadeen  taageerayaashooda hortooda halkaasna lgu xasuuqay.


Taageerayaasha oo aad u faraxsan ayaa ku soo yaacay garoonka si ay u dabaaldegaan ka dib markii Leverkusen ay u soo dhaqaaqday 79 dhibcood - 16 dhibcood  in ka badan ka sarreeya kooxda ay xafiiltamaan ee Bayern Munich - iyadoo 15 dhibcood oo kaliya u harsan tahay inay  aruursato una ciyaarto 5 kulan oo u wada haray kooxaha.


Waa guul la yaab leh oo uu gaaray ciyaaryahankii hore ee Liverpool iyo Real Madrid Alonso, kaasoo la wareegay bishii October 2022 kooxda oo kaalinta labaad  ee ugu hooseysa kaga jirta horyaalka heerarka hoose ayuun ka badbadiyay sanadkaas.


Guusha Leverkusen ayaa soo afjartay ceejistii Bayern ee horyaalka ka dib markii ay ku guuleysteen 11 horyaal oo xiriir ah.



TAARIIKHO IYO KA QARSOON OO KU XAYNDAAMAN KOOXDA GUULAYSATAY.

Leverkusen ayaa ku guuleysatay Bundesliga iyadoo shan kulan ay harsan tahay

'Taariikh la yaab le oo ku saabsan astaanta Neverkusen'

Sanadkii 2001-02, Bayer Leverkusen waxay eryanaysay Treble Cups kala  oBundesliga, German Cup iyo Champions League.


Waxa ay ku dhammaatay laakiin  rajadaasi faramarnaan  ka dib markii ay hal dhibic horyaalka  looga qaaday iyagoo ka dambeeyay dhibicdaas  kooxda hanatay horyaalka ee Borussia Dortmund.


Champions league waxaa 2-1 kaga badiyay Real Madrid finalkii Champions League, sidoo kale waxaana 4-2 ku garaacday Schalke finalkii German Cup.


Ololahaas ayaa dhaliyay in lagu naanayso summada ha  'Neverkusen', taasoo kooxdu ay ku dhibtootay inay iska tuurto.


"Xanuunkaas laga soo bilaabo 2002 runtii wuu qoto dheer yahay," ayuu raaciyay Kappel. "Waxaan aad ugu dhawaa inaan kor u qaadno Treble ka dibna inaanaan ku guuleysan wax koob ah runtii aad ayay u xanuun badnayd."


Leverkusen ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka Bundesliga shan jeer, laakiin waxaa hubaal ah inay iska dhaaftay calaamadda 'Neverkusen' ka dib markii ay ku guuleysatay horyaalka Bundesliga.


Guushii Axaddii ayaa ahayd koobkoodii ugu horreeyay tan iyo markii ay kor u qaadeen Koobka Jarmalka 1993, iyagoo 1-0 ku garaacay Hertha Berlin.


'Eviva Espana'   waa hees lagu ammaanayo Xavi Alanso waa laga shiday garoonka Leverkusen ka dib shalay markii la xaqiijiyay inay hanteen horyaalkoodii ugu horreeyay -

Granit Xhaka ayaa dhaliyay goolkii labaad ee Leverkusen kulankii Werder Bremen.


Waxa uu ahaa goolkiisii labaad ee Bundesliga tan iyo markii uu Arsenal kaga soo biiray xagaagii hore 21.4 milyan ginni, laakiin khibradda khadka dhexe ee Switzerland ayaa muujisay inay muhiim u tahay raadinta sharaftooda.


Weeraryahanka reer Nigeria Victor Boniface ayaa dhaliyay goolkiisii 11-aad ee horyaalka Axadii, halka weeraryahanka Jarmalka Florian Wirtz uu ka soo kacay kursiga keydka isagoo dhaliyay seddexleey qeybtii labaad ee ciyaarta.


Wirtz waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee dhaliyay seddexleey Bundesliga ka dib markii uu ka soo kacay kursiga keydka tan iyo Erling Haaland oo u ciyaara Borussia Dortmund sanadkii 2020.


Alex Grimaldo  oo dhaliyay  (9) gool  iyo Jeremie Frimpong oo dhaliyay isna  (8) gool  ayaa sidoo kale dhaliyay goolal muhiim ah, halka hababka tababarka Alonso sidoo kale la amaanay.


42-sano jirkaan reer Spain, ayaa seddex jeer ku guuleystay Bundesliga isagoo Bayern Munich metelaaya sidoo kale  kula guuleystay Champions League Real Madrid isagoo ciyaaryahan ah, waxaana lala xiriirinayaa kooxihii hore ee Liverpool iyo Bayern iyagoo doonaya inay magacaabaan tababareyaal cusub xagaaga.


Alonso, si kastaba ha ahaatee, wuxuu doortay inuu sii joogo Leverkusen, halkaas oo ay ka jecel yihiin taageerayaasha.


Daqiiqado ka dib markii kooxdiisa la xaqiijiyay inay ku guulaysato horyaalka, waxa ay la ku heesayeen kuna taagerayashu  'Eviva Espana' iyadoo laga shiday sameecada ku xirdhan garoonkooda caanka ah ee  BayArena  si ay u sharfaan macalinkooda....

"Leverkusen had iyo jeer waxaa  haystay dhibaatadan ah inay ku gafto  ciyaaraha ama kulamada muhiimka ah , markay tahay inay natiijada qaadato si ay u gaarto guulo iyo taariikho," ayuu raaciyay Kappel. “Laakiin waxa ay kooxda ku soo dareen ciyaartoy khibrad leh kuwaas oo si weyn u soo jiiday”.





Post a Comment

0 Comments