Kulan final ah oo miisanka cuslus ah ayaa caawa loo madlan yahay.
Waa finalka Europa League oo caawa oo Arbaco ah 10.00PM ka bilaaban doona garoonka Aviva Stadium ee ku yaal casimadda Irreland ee Dublin waana ciyaaar aad u sarreysa una dhaxaysa labo kooxood oo cajiib ah.
Dhanka Bayer Leverkusen, tani waa fursad oo ay haysato si ay uxaqiijisato koobkeedi labaad ee seddexleyda ay doonayso inay hanato seasonkaan - 180 daqiiqo kaliya ayaana ka xigta Leverkuson inay qaadato xilli ciyaareed aan hore loo arag ayna ku guulaystaan 3-ley koob iyo 53 kulan oo Unbeaten the entire season- xillu ciyaareedka oo idilna ka fogaato guuldaro...
Atalanta, waxay u tahay fursadda in kor loo qaado koob wayn markii ugu horreysay tan iyo 1963
Xabi Alonso kooxdiisa Leverkusen ayaa qabsaday ciwaanada caalamka ka dib 51 kulan oo xiriir ah oo aan laga badinin tartamada oo dhan taas oo u horseeday in ay ku guulaysato horyaalkii ugu horeeyay ee Bundesliga. Tani waa kooxda waayeheedi kaliya ku soo guulaysatay 1988 UEFA Cup iyo 1993 German Cup.
Tabaraha Isbaanishka ah, ee wata kooxdan xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee buuxa ee isagoo ah maamule sare, wuxuu yiri kulankan ka hor
: "Diiraddayadu waa diyaarinta ciyaarta, ma ahan [ciyaar gaar ah, waxba ma aanan bedelin."

"Waxaan ciyaarnay 51-kulan, ciyaartoydu waxay leeyihiin isfaham, hadda waa waqtigii aan bixin lahayn wax walba."
"Waxaan ahayn koox isku diyaarinaysay si adag sanadka oo dhan, kaliya maaha shaqada maanta, waxaan haystaa koox weyn, ciyaartoyda diyaar ayay u yihiin hubaal, waxaan qabaa dareen wanaagsan inaysan ka duwanaan doonin, waan ixtiraami doonaa Atalanta laakiin waan haysanaa. Kalsoonida ciyaartayada."
Labada kooxood ee isugu soo haray finalka ayaa soo afjaray rajadii kooxaha Ingiriiska iyagoo wareega 8dhamaadka ee tartanka Europa League so garaacay, Bayer Leverkusen ay soo reebtay West Ham halka Atalanta ay si cajiib ah uga soo baxday Liverpool.
"Waxaan u maleynayaa inaan ku jirno xaalada ugu macquulsan ee maskaxeed iyo jireedba," ayuu yiri tababaraha Atalanta Gian Piero Gasperini, kaasoo kooxdiisa uu dhaawac kaga maqan yahay kabtan Marten de Roon.
"Leverkusen waa koox dhameystiran, si aad ah u habeysan, waa koox haysata Squad khibrad badan leh , si fiican ayey u difaacan karaan una soo ceshan karaan kubada markay lumiyaan. Natiijooyinka ay gaareen xilli ciyaareedkan ma ahan shil."
"Waa inaan ixtiraamnaa iyaga oo aan isku daynaa inaan si dhaqso ah ula qabsano kooxaha naga soo horjeeda."
Atalanta waxay qaadanaysa sida Bayer leverkusen xilli ciyaareeed khaas ah (special)
Gasperini ayaan wali ku guuleysan koob weyn 21-sano oo uu maamulayay kooxaha kubadda cagta.
Atalanta waa koox kale, oo sida Bayer Leverkusen ay haysatay waqtiyadii dheeraa ee lasoo dhaafay koobab yari laakin xilli ciyaaredkan waxay muujiyeen inay wataan macalimiin cajiib ah oo wax badan bedeli kara midkood ayaana caawa koobkan la hoyan doona.
Naadiga Bergamo, waxay jirtaa 116 sano, taariikhda waxay ku guuleystay kaliya hal koob oo ah - Coppa Italia ayna qaadeen sanadkii 1963.
Intii udhaxaysay 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii waxay udhaxeeyeen Serie A ilaa Seri B oo ay dib ugu noqdeen shan jeer.
Gasperini ayaa tan iyo markii uu yimid 2016 ka dhigay awood la iska indha tiri karin, iyadoo lix ka mid ah 10-kii xilli ciyaareed ee ay Yurub soo tiigsadeen kooxdaani ay yimid siddeed sano oo uu xukumayay waaya aragaani.
Tani waa finalkoodii ugu horeeyay ee koob Yurub ah, iyadoo Gasperini uu rajeynayo inuu qaado tilaabada ugu dambeysa oo uu ku hogaamiyo guul.
Dhibka kaliya ee soo gaaray waqtigiisa Atalanta ayaa ah rikoorkooda finalka oo liita , iyagoo luminayay tartanka Coppa Italia sanadihii 2019, 2021, iyo mar kale usbuucii hore oo ay Juventus ay qadeen koobkan.
Si kastaba ha ahaatee, loolankan ayaa caawa udhaxayn doona koox aan dhineceeda dhulka la dhigin guud ahan seasonkan oo dhan saddexley koobna usoco iyo koox aanan 61-sano wax koob ah arag ayna rafaadisay abaarta koobab la'aaneed.....
0 Comments