




-Porto oo si adag ula dagaalamay Arsenal sidaas ayay uga hareen tartankan Champions League. Dhanka kale halyay Pepe waxaa laga yaabaa inaadan markale aadan ku arkin Champions League oo sidaas kaga fariisto maadaama uu waayeel yahay 40kiina uu kor udhaafy.
David Raya ayaana la gudoonsiiyay Ciyaaryahankii kulanka maadaama uu Porto labo rigoore uu ka badbaadiyay.
Hambalyo Gunnerska 






Dhanka kale tababaraha Porto ayaa Arteta ku eedeeyay 'in uu aflagaadeeyay qoyskiisa'
Tababaraha Porto Sergio Conceicao ayaa sheegay in macalinka Arsenal Mikel Arteta uu caayay qoyskiisa xilli kooxdiisa guudarado ka soo gaartay dhigooda Gunners ciyaartii wareega 16-ka ee Champions League.
Gunners ayaa u soo baxday wareega 8-da kadib markii ay 4-2 ku badisay rigooreyaal waxaana labo ka mid ahaa badbaadiyay David Raya.
Sergio Conceicao ayaa yiri:- "Wixii uu Arteta dhahay, markiii uu fadhiyay dhanka kursiga keydka , wuxuu caayay qoyskeyga," Conceicao ayaa ku yiri warkaan shirkiisa jaraa'id.
Ilaha kooxda Arsenal ayaa sheegay in Arteta uu beeniyay eedeymaha.
Seerigii ugu dambeeyay ka dib labada maamule ayaa u muuqday in ay dood adag ku yeesheen garoonka ka hor inta aan la kala saarin.
Dhanka kale difaacii hore ee Arsenal Martin Keown ayaa saadaaliyay in Arsenal ay ku guuleysan karto Premier League xilli ciyaareedkan sababtoo ah wuxuu yidhi waxaan ka yaabay maskaxdooda iyo kartidoodii ay xalay muujiyeen iyo dardarti xamaasaddu ku dheehneed ee ka muuqatay markii ay rigoorayaasha tuuranayeen ayna kaga adkaadeen Porto laakiin waxaa ka diiday fikirkaas Rio Ferdinand oo isagu fikir kale soo jeediyay…
DHAMAAAD!
0 Comments