Weerarkii curyaamiyay boqollaal Computer!
Sannadkii 2012, tuugada kumbuyuutar ( hackers) oo halis ahi waxay tirtireen xogta ku dhawaad shan iyo soddon kun oo kombuyuutar oo ay leedahay shirkadda Saudi Aramco, oo ah mid ka mid ah shirkadaha saliidda ee ugu weyn adduunka. Malware oo loo yaqaan Shamoon waxa uu xaday furaha sirta ah ee aaladaha, waxa uu tirtirtay xogta, oo ay ka ilaalisay kombuyuutarrada in ay dib u kiciyaan. Kooxaha jabsaday ee isku magacaabay “Seefta Garsoorka Goynta” ayaa sheegatay mas’uuliyadda dhacdadan, iyagoo caddeeyay inay uga aargoosanayaan maamulka Aala-Sucuud oo ay kooxdu ugu yeertay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada. Ilaha sirdoonka Mareykanka ayaa weerarkan ku tilmaamay Iran. In ka yar laba toddobaad ka dib dhacdadii Aramco, shirkadda weyn ee gaaska Qatar ee RasGas waxaa sidoo kale khadka ka saaray kooxo looga shakisan yahay inay dawladdu maalgelisay. Dhacdada Sucuudiga ee Aramco waxa ay muujisay awoodda internet-ka ee Iran oo sii kordheysa iyo rabitaanka Tehran ee ah in ay u adeegsato si ay u horumariso danaheeda, gaar ahaan dagaalka ay Bariga Dhexe kula jirto Sucuudiga. Waqtigaas, dalalka qaar ayaa awood u lahaa in ayagoo meel fog ka jooga baabi'in kara xogta kombuyuutarrada, laakiin waxaa jiray xaalado yar oo si cad loo aqoosan karo waddan isticmaalaya, waxaana laga yaabaa in Iran ay ka jawaabaysay weerar hore oo ka dhan ah Wasaaradda Shidaalka Iran iyo Shirkadda Qaranka ee Shidaalka Iran. waxay isticmaaleen malware-ka loo yaqaan Wiper waa malware kaas oo tirtira ama baabi'iya dhamaan faylasha iyo xogta shirkadda ugu kaydsan Aaladaha..
Koox lagu magacaabo ‘Cutting Sword of Justice’ ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Baarayaasha iyo saraakiisha midkoodna ma shaacin magacyada weeraryahannada ku lugta lahaa. Saraakiisha sirdoonka Maraykanku waxay tixgeliyeen in cidda dhabta ah ee weerarka geysatay ay tahay dowladda Iran, inkastoo aysan soo bandhigin caddayn gaar ah oo lagu taageerayo sheegashadaas.
Fayrasku waxa loo isticmaalay basaasnimada internetka, gaar ahaan qaybta tamarta. Xoghayihii hore ee gaashaandhigga Mareykanka Leon Panetta ayaa sheegay in jabsiga 2012 ee Saudi Aramco, ay u badan tahay in uu ahaa weerarkii internetka ee ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado ganacsi gaar ah, ayay tiri Reuters.
Shamoon waxa uu hurday ka hor inta aanu dib u soo kicin dabayaaqadii 2016-kii weeraro is daba joog ah oo ka dhacay Bariga Dhexe oo socday ilaa horraantii 2017-kii.
Dhowr cilmi-baarayaal amni ayaa rumeysan in dadka u shaqeeya dowladda Iran ay mas'uul ka ahaayeen weerarradii Shamoon ee hore, in kasta oo Tehran ay si adag u beenisay eedeynta, Reuters ayaa werisay.
Addunku maanta weerarka Internerka oo ay dowladuhu iyo shirkaduhuba isku qaadaan wuu ka daran yahay mararaka qaarkood dagaalka xabadda waayo xitaa ma ogaan kartid cidda kugu soo duushay............
0 Comments