Masar ayaa tababare u magacawday Hossam Hassan.




🚨| BREAKING NEWS! Masar ayaa u magacowday Hossam Hassan oo hore ugu soo guulaystey seddex jeer koobka qaramada Afrika ee AFCON inuu noqdo macalinkooda cusub, halka walaalkii ay mataanaha yihiin ee Ibrahim Hassan loo magacaabay agaasimaha farsamada ee xulka qaranka Masar. 🇪🇬
Tababarihii reer Portugal ee Rui Vitoria ayaa shaqada waxaa ka cayriyey xiriirka wadankaas ee (EFA) loo yaqaan saacado ka dib ololihii masiibada ahaa ee xulka Masar looga reebay Koobka Qaramada Afrika ee 2023 (AFCON) markaas oo bandhig aan lagu qancin ay la yimaadeen.
Faraaciinta ayaa ku guuldareystay inay hal kulan badin intii uu socday tartanka, waxaana lagu reebay wareega 16-ka ka dib markii ay rigoorayaal ku garaaceen DR Congo, taasoo keentay in Vitoria laga saaro xulka.

Post a Comment

0 Comments