Soomaaliya oo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ku tilmaantay mid gardaro ah


Soomaaliya ayaa ku tilmaantay heshiis ay Itoobiya la gashay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanida ee Somaliland ee ku saabsanaa gelitaanka Sharcidarada ah badda  mid gardaro ah.

Somaliland ayaa sheegata inay ka go’day Soomaaliya in ka badan 30 sano ka hor, balse caalamka lagama aqoonsan.

Waxay sheegtay in Itoobiya ay ogolaatay inay aqoonsato madax-bannaanideeda mar mustaqbalka, looguna bedeli doono oo Itoobiya ay heli doonto  saldhig ciidan oo ah  xeebaha Jamhuuriyadda Somaliya.


Itoobiya ma aysan xaqiijin arrintan ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee Isniintii.


Taas beddelkeeda, xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ay saxiixeen waxa loo yaqaano is-afgaradka (MoU) “si loo xaqiijiyo gelitaankooda badda”.


Mr Abiy ayaa horay ugu tilmaamay gelitaanka badda inay tahay "arrin ka jirta" dalkiisa.


Lataliyihiisa amniga qaranka, Redwan Hussein, ayaa sidoo kale ku sheegay bartiisa X in qabanqaabadani ay awood u siin karto Itoobiya inay gasho "saldhig ciidan oo la kireeyey" oo ku yaal badda, laakiin ma bixin faahfaahin dheeraad ah.


Is-afgaradka waxaa loo tixgaliyaa inuu yahay bayaan ujeedo wuxuuna horseedi karaa heshiis sharci ah.


Horumarka waxa ay labada dhinac ku muujinayaan tallaabo diblomaasiyadeed oo weyn.


Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa si cadho leh uga jawaabtay heshiiskii is-afgaradka ahaa iyadoo u aragta Somaliland qayb ka mid ah dhulkeeda.


Waxay sheegtay inay u yeedhayso safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya.


Dowladda ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana xadgudub ku ah madax banaanideeda.


Bayaan ay soo saartay Dowladda Somaaliya  ayay lagu cadeeyey  in ay u aragto falkan mid gardaro ah oo... caqabad ku ah deris wanaaga, nabadda iyo xasiloonida gobolka oo horeba ula daalaa dhacayay caqabado badan.


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Bare ayaa dadka kula dardaarmay in ay is dejiyaan.


“Waxaan rabaa in aan u caddeeyo in ay naga go’an tahay in aan difaacno dalka, qeyb ka mid ah dhulkeena, baddeena iyo hawadeena laguma xad gudbi karo, si kasta oo sharci ahna waan u difaaci doonaa”ayuu ku yiri shir jaraa’id oo si deg deg ah loo soo agaasimay. .


Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayay baarlamaanka galinkii dambe ee Talaadadii uu sheegay in “ma jirto cid awood u leh in ay bixso qayb ka mid ah Soomaaliya”.


“Somaliland, waxaad tihiin gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, Itoobiya wax aqoonsi ah idiinma hayso,” ayuu hadalkiisa raaciyay.


Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay ka wada hadlaan arrintan.


Si dhab ah looma oga heshiiskii Isniintii ay Ra’iisal Wasaare Abiy iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.


Mudane Cabdi waxa uu sheegay in heshiiska ay ku jirto qayb sheegaysa in Itoobiya mar uun mustaqbalka u aqoonsan doonto Somaliland dal madax-bannaan.


Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay “Heshiiskani waxa uu xaqiijinayaa in Itoobiya ay hesho  saldhig ciidan oo gudaha  badda Soomaliya ah , taas oo ay kaga jawaabayso aqoonsi rasmi ah oo ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo muujinaysa taariikh diblumaasiyadeed oo muhiim ah oo dalkeena u soo hoyatay”.


Waxa ay soo xigatay madaxweynaha in uu yidhi “ictiraafku waxa lagu badali doonaa 20km (12 mayl) marinka badda ee ciidamada badda ee Itoobiya, oo la kireeyey muddo 50 sano ah”.




#SomaaliyaSoomaaliBaaleh

#NotOneInch

Post a Comment

0 Comments