Diyaariyey: Lukavic
Ka dib ciyaarihi asbuucii 19-aad ee horyaalka La Liga oo habeen hore la baastay Real Madrid ayaa xalay guul dirqi ah ka gaartay dhigooda Real Mallorca Guulna ku bilowdeen sanadka cusub iyagoo ku ciyaarayey Bernabeu waxaana guusha gaarsiiyey Rudiger oo shabaqa gaaray qaybtii dambe ee ciyaarta.
Inkasta oo bandhigoodu aanu ahayn mid heer sare ah, hadana taageerayaasha Madrid aad ayay ugu farxee natiijadan.
Marka la eego astaanta kubbadda cagta ee Mallorca ay ku ciyaaraysay iyo tayada garsoor ee ay ka markhaati kaceen, guushani Real Madrid waxay uga dhigan tahay inay sii haysan doonan hogaanka ka dib maanta oo la marayo kala barka horyaalka.
Dhanka kale kooxda sanadka wacdaraha dhigaysa ee Girona ayaa ciyaarti waynayd ee ay Atheltico Madrid kula ciyaarayaan Catalonia ka gaaray guul wayn oo caan ahayd 4-3 ayaana lagu suuldaaray kooxda Simeone, ciyaaryahanka lagu magacaabo martin ayaa ciyaarta oo 3-3 ah 90 daqiiqana maraysa goolka guusha u dhaliyey kooxdiisa taas oo ka dhigan in haatan kooxda macalin Michel ee Girona ay ku dhibco yihiin Real madrid iyagoo wada leh min 48 dhibcood lkn Madrid ayaa hogaanka ku haysa farqiga goolasha oo 7 gool ayay dheeryihiin dhigooda Girona.
Kulankaan waxaa xalay ciyaar heer sare ah so bandhigay Alvaro Morata oo 3-ley ka dhaliyey Girona.
___________________DHAMAAD!______________________
0 Comments