Real Madrid ayaa ku guuleysatay Supercopa markoodi 13-aad taariikhda! 



Vinicius Jr. ayaa dhaliyay saddexley cajiib ah ka hor inta uusan Rodrygo dhalin goolkii ugu dambeeyay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-1 ay ku hogaamineyso Real Madrid!
Hambalyo Madrid awood ayay usheegteen dhigooda Barcelona kulankii waynaane waxay ka dhigeen ciyaar iska normal ah.
War meesha wa lagu kala adkaaday, tani waxay ka dhigan tahy in Real ay ka aar goosatay Barcelona oo sanadkii hore hadaayoo kale ka qaaday koobkan waliba natiijo ahayd 3-1.
Jude Bellingham ayaa ku guuleystay koobkiisii ugu horeeyay isagoo ciyaaryahan Real Madrid ah iyadoo kooxdiisu ay 4-1 ku garaacday kuna bahdishay naadiga Barcelona ciyaar ka dhacday Riyadh finalka Spanish Super Cup.
Barcelona waxa ay ahayd kooxda ku guulaysta horyaalka Spain xilli ciyaareedkii hore, , oo ka hortimid kooxda ku guulaysta koobk Spain ee loo yaqaan Copa del Rey waana Real Madrid, waana labada kooxood ee ugu guulaha badan Hoyaalka Spain - laakiin ciyaartaas ka dib waxaa so baxday in Barcelona aysan la tartami karin si wayn ayaana looga gacan sareeyey kooxda Xavi ee Barcelona xitaa waxaa la xuxustaa in Barcelona gurigeeda lagu garacay loogana adkaaday 2-1.
Vinicus ayaa ahaa xiddigii garoonka ugu bandhiga wanagsanaa isagoo dhaliyay hat-trick qeybtii hore taasoo daafacyada Barça gaar ahaan Ronald Araujo ay ku riyoon doonaan toddobaadyada soo socda.
Guusha Madrid ayaa aheyd tii seddexaad oo xiriir ah oo ay ka gaarto El Clasico, waxaana ay siisay koobkii 13-aad ee Super Cup ah - hal ayaa ka dambeeyaan rikoorka kooxda koobabka ugu bdan ee super cup ah haysata taas oo ah Barcelona oo sanadkii hore xiligaan oo kale koodi 14-aad ka qaadey isla kooxda Real Madrid oo xalay aargoosatay.
DHAMAAAAD!!!!!
BY: Lukavic
0 Comments