Mohamed Salah ayaa laba gool dhaliyay iyada oo Liverpool ay ugu danbayn jabisay Newcastle United si ay saddexda dhibcood oo nadiif ah ugu qabato hogaanka Premier League.
Ciyaar aan kala joogsi lahayn oo waali ah, oo ay ku sii dheerayd in roobab iyo dabaylo ka dhacayeen Merseyside, ayaa Liverpool ayaa si xamaasad leh ugu soo dhamaatay iaygoo ku garaacday Newcastle 4-2 laakiin waxay u muuqatay inay halis ugu jirto in lagu qabto barbaro saddexaad oo xidhiidh ah iyagoo Anfield ku ciyaarayey ka dib markii ay qaybtii hore ee ciyaarta wax gool ah iska dhalin waayeen labada kooxood.
Salah ayaa lumiyay fursadii ugu fiicneed ee furitaanka kadib markii uu rigoore laga badbaadiyay laakiin weeraryahanka oo haatan Masar ku biiri doona koobka qaramada Afrika ayaa kubad karoos ah shabaqa ku taabtay, ka dibna rigoore labaad u bedelay gool dhamaadkii ciyaarta.
Goolkii ugu horeeyay ee uu dhaliyay waxa uu ahaa goolkiisii 150-aad ee Premier League ee uu u dhaliyo Reds, laakiin waxaa shan daqiiqo ka dib kansalay Alexander Isak, kaasoo gadaal ka soo galay daafacyada martida loo ahaa, ka dib shaqo wanaagsan oo uu sameeyay Anthony Gordon, isla markaana uu shabaqa ku hubsaday.
Liverpool ayaa si aad ah ugu cadaadisay in ay mar kale hogaanka ciyaarta la wareegto waxana uu ugu danbayn Curtis Jones hogaanka u dhiibay ka hor inta aanu kubad uu si qurux badan u soo karoosay Cody Gapko ka helay Salah si ay u neefsadaan.
Laakin waxaa soo laabtay Newcastle markii Sven Botman uu madax ku dhaliyay kubad koorno aheyd, wuxuuna ka dhigay ciyaarta 3-2 ka hor inta uusan Salah u dirin Martin Dubravka dhinac qaldan isagoo ka dhaliyey rigoore - isagoo si geesinimo ku dheehan yahay u dabamariyey- dhibcaha ku xaqiijiyey kooxdiisa.
Liverpool ayaa badisay todobadii kulan ee furitaanka Premier League ee ay ku ciyaartay Anfield xilli ciyaareedkan, laakiin waxa barbaro ku kala baxay Manchester United iyo Arsenal labadii kulan ee hore ee ay gurigooda ku ciyaareen.
Saddex dhibcood ayay ku hogaaminayaan haadan horyaalka iyagoo Aston Villa ka sareeya dhibcahaas waxayna shan dhibcood ka sareeyaan Manchester City oo kulan baaqi u yahay iyo Arsenal.
Newcastle, oo ay ka maqneyd sagaal ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah, ayaa weli ku jirta kaalinta sagaalaad.
Dhinaca kale kooxda Arteta ee Arsenal ayaa habeenkii galabnimadii Axadda waxaa garacay Fulham oo gurigeeda jogta ciyaar lagu muquuniyey 2-1 taas oo keentay inay Arsenal u dhacdo kaalinta 4-aad ee horyaalka waxayna ka dhigantahayu-Guuldaro kale, bandhig xumo kale iyo Arsenal oo dhegaha loo laabay kulan kale oo London Derby ah.
0 Comments