Ruushka ayaa duqeymo ka dhan ah 20 ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday Ukraine habeenimadii xalay, sida uu sheegay Kyiv. Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen 18 ka mid ah.
Ukrain ayaa sidoo kale bilowday duqeymo ay diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn ku qaaday goobaha uu Ruushku qabsaday, iyaga oo garaacay bakhaar shidaal oo ku yaalla Luhansk.
Dhanka kale, Jeneraal kale oo Ruush ah ayaa la dilay isagoo ku sugan Ukraine, sida uu sheegay sarkaal Ruush ah.
General sare ee lagu magacaabo Vladimir Zavadsky, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka 14-aad ee ciidanka dhanka woqooyiga ee lagu magacaabo Fleet, ayaa ku dhintay "isaga oo gudanaya waajibaadkiisa aag hawlgal gaar ah," sidaas ayuu xaqiijiyay gudoomiyaha gobolka Voronezh ee Ruushka. Ruushka ayaa isticmaala ereyga "hawlgal gaar ah" si uu u qeexo dagaalka uu ka wado Ukraine.
Diyaariye: AbdihakenLukavic_______________________
DHAMAAD_____________________________________
0 Comments