
Daaficii hore ee Manchester City ninka lagu magacaabo Nedum Onuoha ayaa sheegay inay jiraan "su'aalo la iska weydiiyo" ka dib markii kooxdii ku guuleysatay xilli ciyaareedkii hore saddex-leyda ama Treble-ka ay labo jeer hogaanka qabatay hadana aysan ilaashan natiijadaas kulankii ay axadii 3-3 la galeen Tottenham.
City ayaa haatan dhibco ku lumisay Liverpool iyo Chelsea, si la mid ah kooxda Ange Postecoglou aya xalay mar kale qabatay weliba iyagoo gurigooda joogay, sidaas darteed seddex dhibcood ayay ka hooseeyaan hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal. Onuoha waxa uu ka walaacsan yahay qaab ciyaareedka City waxa uuna aaminsan yahay in kooxda Pep Guardiola ay ka maqan tahay qoto dheeranta safka ama xulashada safku yaryahay(squad lacks depth).
"Dadku waxay dhihi doonaan waa inaad awood u yeelatid inaad ka adkaato kooxaha aad xafiiltamaan haddii aad rabto inaad u dhawaato meesha ugu sareysa horyaalka," Onuoha ayaa u sheegay Football Daily podcast.
“Tani way ka duwan tahay markii Rodri la ganaaxay waxayna dhibcaha ka qaatay kulankaas Wolves. Kani waa Premier League, waa mid adag gaar ahaan sanadkan wuxuu umuuqa in kooxaha waa wayn badan ay awoodoodu ay sarayso.
“Uma maleynayo in kooxaha intooda badan ay soo bandhigeen qaab ciyaareedka ay sameyn doonaan xilli dambe. Marka loo eego dhinaca City waa niyad jab sababtoo ah ciyaarahaas oo ay dhibco iska lumiyeen, hogaanka ayay qabteen. Waxaa jira su'aalo la is weydiinayo, laakiin qaarkood waxay u ekaayeen kuwo dhintay oo cagahooda ku socda. Kooxdu uma qoto dheer sida ay dadku u malaynayaan. "
Diyaariyey:AbdihakenLukavic__________________________
DHAMAAAD___________________________________________
0 Comments