Man City ayaa ugu dambeyntii qabsatay Yurub laakiin laba kooxood oo England ah ayaa qalbi jab ku dhacay 2023

ka dib guushoodii xalay waxay uga dhignayd  6 kulan iyo 6 guulood. Manchester City ayaa soo gabagabaysay heerkii ugu fiicnaa ee heerka groupyada Champions League iyada oo 20 jirka Micah Hamilton iyo Oscar Bobb ay dhaliyeen goolashii ugu horeeyay kooxda kulankii ay 3-2 kaga badiyeen Red Star Belgrade habeenkii xalay ahaa..


-Manchester City waa kooxdii labaad ee Ingiriis ah ee badisa dhammaan lixdii kulan ee Group-yada Champions League, ka dib Liverpool oo sidaaas sameysay xilli ciyaareedkii ahaa 2021-22.
Great achievement🔥💥



Dhanka kale PSG ayaa Dortmund u raacday wareega 16-ka ka dib markii ay ciyaartoodi ku soo dhamatay bareejo taas oo ka caawisey PSG inay helaan qaali ah si ay u soo baxaan.
Ciyarti kale ee Groupkan F Newcastle oo guridgeeda jogta ayaa waxaa gaarcay Milan, Milan ayaana u dhacday Play -offka U
Europa League oo ay ciyaari donto, halka Newcastle laga cirib tirey dhamaan tartamada Yurub.
Waxa ay ku dhameysteen kaalinta ugu hooseysa Group F waana kooxdii labaad ee Ingiriis ah oo sidaan oo kale ku dhacday usbucan Man Utd ayaana habeen hore iyana ku dhamaysatay halka ugu hoseysa Groupka A sidaan oo kalena lagu sameeyey.
Ingiriisku sanadkan kooxo sacaboolay ah ayay so dirsadeen oo an waxba iska celin karin Sida Labadan kooxood, runtii uma qalmin inay meshan yimaadaan.


Waa markii ugu horeysay taariikhda UEFA Champions League oo labo kooxood oo Premier League ka socda ay hal xilli ciyaareed ku dhameysteen kaalinta ugu hooseysa Group-kooda.
Kuwaani ceeb iyo fadeexo ayay uso jiideen horyaalka England.




Kooxaha u soo gudbay wareega 16-ka ee koobka UCL-ka.
🇪🇸 Real Sociedad
🇪🇸 FC Barcelona
🇪🇸 Real Madrid
🇪🇸 Atlético Madrid
🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Manchester City
🏴󠁧󠁢󠁥󠁮󠁧󠁿 Arsenal
🇮🇹 Inter
🇮🇹 Lazio
🇮🇹 Napoli
🇩🇪 Bayern Munich
🇩🇪 Borussia Dortmund
🇩🇪 RB Leipzig
🇩🇰 Copenhagen
🇫🇷 PSG
🇵🇹 FC Porto
🇳🇱 PSV
-Isku aadka UEFA Champions League waxaa la samayn doona maalinka Isniinta ee bishan December 18-keeda


Post a Comment

0 Comments