
Girona ayaa garaacday xalay Alaves si ay dib ugu soo laabato hogaanka horyaalka.
Artem Dovbyk ayaa madax ku dhaliyay goolkooda furitaanka ka dib markii Yan Couto uu darbo ku tuuray goolhaye Antonio Sivera.
Ciyaaryahanka amaahda uga maqan Manchester City ee Couto ayaa markaas ku guuleystay rigoore, waxaana u dhaliyay weeraryahanka Ukraine Dovbyk goolkiisii 10aad ee La Liga xilli ciyaareedkan.
Dovbyk ayaa ah saxiixii rikoorka ahaa ee kooxda, isagoo xagaagii tegey 6 milyan oo ginni kaga soo biiray kooxda reer Ukrain ee Dnipro.
kooxda macalin Michel ee Girona ay wada leeyihiin shirkadda lagu magacaabo City Football Group oo ay sidoo kale ku jirto Manchester City, ayaa laba dhibcood ka sareeya Real Madrid haatan.
Kooxda reer Catalan oo aan waligood ku guuleysan koob weyn ayaa sagaal dhibcood ka sareeya kooxda ay dariska yihiin ee Barcelona oo ku jirta kaalinta seddexaad.
Girona ayaa laga yaabaa inay soo xirato kaalinta koowaad ee horyaalka ka hor fasaxa Christmas-ka iyo kala bar xilli ciyaareedka - haddii ay ku guuleystaan Kooxda Real Betis Khamiista.
0 Comments