Xulka Copa America marti galinaya ee US ayaa laga ciribtiray tartankan ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Uruguay oo iyagu soo wada badiyay 3-doodii kulan ee heerka groups ka taasoo ku tusinaysa awoodooda halkay gaarsiinsan tahay.Uruguay knocks United States out of Copa America.
Uruguay ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta iyadoo Olivera uu kubad ku celis ah soo qaaday ka dib markii goolhayaha Mareykanka Matthew Turner uu kubad madax ah ku soo celiyay Ronald Araujo. Goolka ayaa la ansixiyay ka dib markii VAR ay dib u eegis dheer ku sameysay Offside na looga shakiyay.
Dhanka kale Panama ayaa 3-1 kaga badisay Bolivia,waxana ay ku dhameysatay kaalinta labaad ee groupkan iyagoo shaqaystay lix dhibcood,halka Mareykanka ay seddex dhibcood ka sareeyaan, sidaas darteed Panama iyo Uruguay ayaa isu raacay 8-dhaadka tartankan.
0 Comments