Qaabkee ayuu horyaalka Champions League u ekaan doona, sideena u shaqayn doono marka la gaaro xilli ciyaareedka soo socda ee 2024-25?.

 UEFA ayaa xaqiijisay sida Champions League (UCL) u ekaan doono laga bilaabo xilli ciyaareedka 2024-25, markaasoo loo gudbi doono tartan 36 kooxood ah oo waxaa ku dhici doona is-bedel wayn Ciyaaraha champions league.

Waxa ay noqon doontaa mid si lama filaan ah uga bixi doonta wixii ay jamaahiirta caadeysteen, hadaba halkan waxa aan idiinku soo gudbinaynaa maqaal aan ka diyaarinay usbedelka dhici doona:-
1.Muxuu kaga duwanaan doona Champions League gan qaabkii hore?
- Laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, 36 kooxood ayaa ka qayb qaadan doona Champions League, waxayna dhamaantood wada gali doonaan hal khaanad oo horyaalka ah. Qaabkii hore (kan hadda) sidaan wada ognahay waaa 32 naadi oo loo qaybiyay siddeed group oo min afar naadi ah.
-Sidii hore oo kale wali waxaa jiri doona qori tuur laakin waa hal mar oo ah bilowga xilli ciyaareedka, kulamada waxay noqon doonan sida kuwa qaabka horyaalka oo kale (league-phase fixtures), oo koox kasta waxay ciyaari doonta siddeed kulan , afar home ah iyo afar ay marti noqon doonan.









-36-da kooxood ayaa loo qaybin doonaa afar dheri oo min sagaal kooxood ah. Dheriga 1-aad waxa la gelin doona kooxda ku guulaysata horyaalka UCL-ka sanadkan 2023/24-ka iyo siddeedda naadi ee haysta qiimaynta ugu fiican yurub(iyadoo lagu qiimayndoono natiijooyinka ay gaareen kooxuhu sanadadii ugu dambeeyay, dhibcaha ay aruursadeen iyo qodobo kale).
- Kooxaha heysata horyaalada ugu sareysa dalalkooda iyo kuwa heysta horyaalka Europa league (UEL) dib looma siin doono mudnaanta dheriga 1-aad.
-Dheriga 2 ilaa 4 waxaa sidoo kale waxaa lagu gali doona kooxuhu siday ukala qiimayn sareeyeen ama waxa loo yaqaan (club coefficient ranking).
-Maadaama aan soo xusnay in loo guuri doono qaab ah afar pot oo min 9-kooxood ah, naadi kasta wuxuu kala ciyaari doonaa laba kooxood dheri kasta(Tusaale; halkii koox ee ku jirta dheriga koowad ka soo qaad waxay la ciyaari doona labo kooxdood oo kale oo ku kala jita afar dheri ee kale 4 homes and 4 aways : pot one 2 teams, pot two 2 teams, pot three 2 teams nad lot four 2 teams = 8 teams).
-si ka duwan qaabka hadda, naadi ku jira Pot 1 ayaa la ciyaari doona kulan, laba kooxood oo kale oo ka socda Pot 1.
Sida caadiga ah, naadiyada isku horyaalka ka socda iskuma hor iman doono. Si kastaba ha ahaatee, si looga fogaado ismari waaga, horyaalada leh afar naadi ama ka badan ayaa koox ka mid ahi hal kulan la ciyaari karaan koox kale oo isla wadankaas ah.
Qaabkee marka loogu soo baxaaya warega xiga ee 16-ka?
Sideeda kooxood ugu sareysa dhibco league waxay si toos ah u aadayaan wareega 16-ka ee bug-baxa. Maka xiga kooxaha ku soo xiga ee fadhiya booska 9-aad ilaa 24-aad dhibco ahaan ileen 8-sare wa la qaadaye waxay geli doonaan isreebreebka oo iyaga ayaa mar kale laysku dhufan doonan Play off ayayna wada ciyaari doonaan si loo helo siddeedda boos ee kale ee wareega 16 buuxin doona . Kooxaha fadhiya booska 25-aad ilaa kan 36-aad ayaa isaga hari doona gabi ahaanba tartamada Yurub.
Si ka duwan xilliyadii hore, ma jiri doonto koox ka soo hadhi doonta kooxaha Champions League oo ciyaari doonta Europa League taas wa dhamaatay. Mar hadii aad ka soo harti Champions league xilli-ciyaareedkaaga Yurub wuu dhammaaday.
Si kastaba ha noqotee qaabkan loo guuray ayaa waxaa iska cad inuu noqon doono mid xamaasad badan oo waxaa la ciyaari doono kulamo badan oo hadana aad u ad adag habeenada arbacada iyo talaadada group Stageskiina waxaa bedeli doona wax loogu yeeray "One big league table" ama hal horyaal oo isku furan oo balaaran.

Post a Comment

0 Comments