WAR DEG DEG AH: Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa goor dhaw hawada Soomaaliya ka celisay Diyaarad Ethiopia Airline oo Hargeisa wafdi uso waday

Dowladda Soomaaliya ayaa hawada Soomaaliya ka celisay diyaaradda Ethiopia Airline oo Wafdi VIP ah u waday magaalada Hargeysa.

Wararka aan heleyno ayaa xaqiijinaya in diyaaradda oo kasoo kicintintay magaalada Adis ababa ay wadday wafdi uu hoggaaminayey Ra'iisulwasaare ku xigeenka Ethiopia iyo masuuliyiin kale oo ku socday magaalada Hargeysa.


Diyaaradda ayaa hadda ku laabatay magaalada Adis Ababa oo markii hore ay kasoo duushay.

Isla diyaarad kale oo nooca rakaabka qaadda ah oo ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopia kunasoo wajahneyd Muqdisho ayaa iyana lagu amray inaysan soo gali karin hawada Soomaaliya balse cudur-daar Shirkaddu ka bixisay soo galintaanka hawada Soomaaliya ee diyaaraddii masuuliyiinta wadday kadib loo ogolaaday in Diyaaradda Rakaabka ah ay safarkeeda wadato



Post a Comment

0 Comments