Goolal ay kala dhaliyeen XAMARI TRAORE IYO LASSINE SINAYOKO ayaa ka caawiyey xulka uu hogaamiyo tababare ERIC CHELLE ee Mali inay 2-0 kaga badiyaan South Africa kulankooda furitaanka Group E ee koobka qaramada Afrika. South Africa laacibkooda lagu magacaabo Percy Tau ayaa qasaariyay rigoore qeybtii hore ee ciyaarta, Mali ayaana labo gool dhalisay lix daqiiqo kadib markii dib la isugu soo laabtay qaybtii dambe. Mali waxa ay isku haleeli doonaan kulanka xiga xulka Tunisia halka Bafana Bafana ay la kulmayaan Namibia iyaga oo u baahan natiijo si ay u sii noolaadaan rajadooda usoo bixitanka isreebreebka.
0 Comments