AFRICAN CUP OF NATIONS -AFCON- RESULTS The magic of the Africa Cup of Nations

Xulka difaacanaya koobka ee Senegal ayaa xaqiijistay kaalinta 1-aad ee Group-ka C ee koobka qaramada Afrika 2023 kadib markii ay 2/0 ku garaaceen xulka Guinea kulan xamaasad leh.

Abdoulaye Seck ayaa madax ugu dhaliyay gool xulka lagu naanayso Teranga Lions kadib laad xor ah oo ay soo tuuray,  Iliman Ndiaye oo si fiican u dhamaystiray daqiiqadii ugu danbaysay gool kale ciyaartana sidaas ku soo gaba-gabeeyey.

Guinea waxa ay ogaatay in ay soo bixi doonaan ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta,waxana ay ku dhameysteen kaalinta seddexaad ka dib markii Cameroon ay 3-2 ku garaacday Gambia.




Senegal ayaa ka soo baxday heerka Group-yada iyaga oo ah kooxda kaliya ee rekoodh 100% ah haysta.

Kooxda Aliou Cisse ayaa sii joogi doonta Yamoussoukro waxayna wajihi doontaa kooxda kaalinta seddexaad ee Group A ama F wareega 16ka isniinta, halka Guinea ay axada Abidjan kula ciyaari doonto kooxda ku soo baxda Group A ee Equatorial Guinea.

Xulka Syli National ayaa ku dhameystay kaalinta seddexaad isagoo ka dambeeya Cameroon oo goolal laga dhaliyay, iyadoo afar dhibcood ay heleen taasoo la micno ah in Ghana oo afar jeer heysatay koobka qaaradaha ay ka hartay finalka ka dib markii Black Stars ay ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee Group B iyagoo leh labo dhibcood.

Natiijooyinka isniintii ayaa la macno ah in Guinea loo dammaanad qaaday inay ka mid noqoto afarta kooxood ee kaalinta saddexaad ugu fiican ugu yaraan, wuxuuna tababare Kaba Diawara sameeyay todoba isbeddel oo uu ciyaartoyda ku nasiyay wareega 16ka.

Xulka qaranka Senegal ayaa ciyaarta soo galay shax xoogan oo ay labada kooxood ku kala nasteen kulankan derby-ga ah ee galbeedka Afrika, balse qaybtii hore ee ciyaarta ma jirin hal darbo oo goolka lagu bartilmaameedsaday oo ay kooxuhu ku dadaalayeen in ay abuuraan fursado furitaan ah.


dhanka kale ciayarti kale ee groupkan ayaa iyana ahayd mid waalli ah oo goolasha laysku harqiyey.

Ciyaar waali ah oo aad u xiiso badan ayay Cameroon daqiiqadihii ugu dambeeyay 3-2 ku garaacday Gambia waxayna si rasmi ah ugu soo baxday wareega 16ka ✅🇨🇲

Cameroon ayaa waxaa 2-1 ku lahayd Gambia daqiiqadii 85-aad, waxayna qarka u fuuleen inay ka haraan tartanka AFCON.

Lkn waa ay is furdaamiyeen waxayna dhaliyeen goolal daqiiqadihii 85-aad iyo 91-aad si ay u goostaan booskooda knockouts 😤

Libaaxyada ayaa wareega 8da wajihi doona Nigeria kulan xamaasad leh🔥

DHANKA KALE GROUP D AYAANA ISNA CIYAARO ADAGI KA DHACEEN XALAY XILLI OO AY BILOWDEEN CIYAARIHIISA 11PM:...........

Xulka Algeria ayaa ka hartay koobka qaramada Afrika 2023, iyadoo xulka qaranka Mauritania uu markii ugu horeysay ku guuleystay ciyaar ka tirsan  koobka qaramada Afrika ee xiisaha badan, isagoo u soo baxay wareega 16ka.


Daafaca dhexe ee Yali Dellahi ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyey goolkii guusha si uu uga naxsado kooxda labada jeer ku guuleysatay ee Afcon.

Guuldaradan ayaa la macno ah in kooxda heysata horyaalka 2019 ee Algeria ay ka hartay tartanka heerka guruubyada markii labaad oo xiriir ah.

Waxa ay ku dhameysteen kaalinta ugu hooseysa Group D halka Mauritania ay xaqiiqdii ku soo bixi doonto mid ka mid ah kooxaha ugu fiican kaalinta seddexaad.


Mauritania ayaa wajihi doonta kooxda ku soo guulaysata Group B ee Cape Verde isniinta wareega 16 ka garoonka Felix Houphouet Boigny ee Abidjan Isniinta


Dhinaca kale kulanki kale ee Isla groupkan ee Angola Vs Burkina Faso waxaa 2-0 ku adkaaday Angola oo kaalinya koowad ku so baxay halka Burkino faso iyana booska labaad xirteen.
Groupkqn D ah 3-xul ayaa ka soo baxay si la mid ah Group C.



















Post a Comment

0 Comments