LIVERPOOL OO GUUL GAARTAY LANA WAREEGTAY HOGAANKA, ARSENAL OO LA TUMAY HOGAANKIINA LA DHIGEY IYO MAN UNITED OO LA BAHDILEY MAR KALE




FT | ⌛️ CRYSTAL PALACE1-2 LIVERPOOL.
-Reds ayaa caaqibo leh ka gaaray Crystal Palace oo minankeeda joogta weliba waxaa lagu sameeyey soo laabasho, Mo Salah ayaana ka barbareeyey gool Penalty ah oo ay la hormareen kooxda martida loo ahaa, Salah goalkaas wuxuu ku sameeyo taariikh isagoo noqday ciyaaryahanka 5-aad ee liverpool ka tirsan oo darajadaas gaara sidoo kale wuxuu noqday Afrikankii ugu horeyey tariikhda oo ka dhaliye EPL 150 gool.
-Harvey Elliott ayaa daqiiqado ka dib mar kale Liverpool shabaqa u gaaray kana caawiyey inay hogaanka ciyaarta qabtaan waxaana ka caawiyey Salah.
-Sidaaas ayayna Reds mar kale ku gaareen guul dahabi ah iyagoo haatan hogaanka horyaalka ku qabtay 37 dhibcood Arsenalna ka hormaray hal dhibic walow Arsenal caawa ciyaari doonto kulankooda jaanisna u haystaan inay soo ceshtaan hogaankooda.


Liverpool ayaa Weekend-gaan ku dhamaysan doonta iyagoo ah hogaamiyayaasha Premier league 🔝
1 dhibcood ayay ka sareeyaan Arsenal.
• 2 dhibcood ayay ka sareeyaan Aston Villa.
• 7 dhibcood ayay ka sareysaa Manchester City.
•10 dhibcood oo ay ka horayso Manchester United🤣



FT: Aston villa 1-0 Gunners.

-Aston Villa oo garaacday Arsenal dhibcahana ka qaadatay, macalin Unai Emery ayaa guushiisii ​​​​ugu horeysay ee Premier League ka gaaray kooxdiisi hore ee Arsenal😏



FT: MANUTD 0-3 BOURNEMOUTH
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu ceebeeyey taagerashaa hortooda kaddib markii ay gurigooda kula kulmeen kooxda Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka Premier League. Saddex maalmood ka dib guushii ay ka gaareen Chelsea magaaladana laga mari waayey faankooda, kooxda Erik ten Hag ayaa waxaa ka yaabisay kooxda Bournemouth oo guusheedii ugu horeysay ku soo garaacday Old Trafford.

Man Utd dambiyo hore ayaa laga jarayaa ee saas ha la ogaado kooxdaani horyaalkan sey rabto ayay ka soo yeeshay.


Diyaariyey: AbdihakenLukavic__________________________
DHAMAAAD____________________________________________

Post a Comment

0 Comments