𝗠𝗔𝗫𝗔𝗔 𝗟𝗔𝗚𝗔 𝗬𝗜𝗥𝗜 𝗖𝗜𝗬𝗔𝗔𝗥𝗜𝗛𝗜𝗜 𝗫𝗔𝗟𝗔𝗬 𝗜𝗬𝗢 𝗪𝗔𝗫 𝗬𝗔𝗔𝗕𝗜𝗛𝗜𝗜 𝗟𝗔𝗚𝗔 𝗗𝗜𝗪𝗔𝗡 𝗚𝗘𝗟𝗜𝗬𝗘𝗬 𝗟𝗜𝗩𝗘𝗣𝗢𝗢𝗢𝗟+ 𝗔𝗦𝗧𝗢𝗡 𝗩𝗜𝗟𝗟𝗔 + 𝗠𝗔𝗡 𝗨𝗧𝗗 + 𝗖𝗛𝗘𝗟𝗦𝗘𝗔

 




Aston Villa FC ayaa garaacfay oo dhaaftay Man City dhibco ahaan waxayna soo gashay kaalinta saddexaad ee kala sareynta halka City loo tuuray booska 4-aad. 📈

𝗚𝘂𝘂𝗹 𝗜𝘆𝗼 𝗻𝗮𝘁𝗶𝗶𝗷𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻 𝗮𝘆𝘂𝘂 𝘁𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿𝗲 𝗨𝗻𝗮𝗶 𝗘𝗺𝗲𝗿𝘆 𝘅𝗮𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗣𝗲𝗽 𝗚𝘂𝗮𝗿𝗱𝗶𝗼𝗹𝗮– waana guushii ugu horeysay ee uu ka gaaro Pep Guardiola 14 jeer oo uu ka hor-tegey – iyo kulankiisii ​​50-aad ee uu hogaamiyo Aston Villa.

Aston Villa waxa ay gaartay wax aysan koox kale sameynin 535 kulan oo ay wajahday kooxda Pep Guardiola taas oo ah in City au xalay heshay ama toogatay goolka Villa Kaliya 2-jeer waana isku day-yadii (attempts) koox uu Guardiola hogaaminayo ay samayso abid !


Sidoo kale Aston Villa ayaa badisay 14 kulan oo isku xigta oo kulamada  horyaalka ah gurigeeda markii ugu horeysay tan iyo kaliya markii seddexaad ee taariikhda kooxda.

kooxdaan markay gurigeeda joogta looma gelikaro oo Villada lagu magcaabo waxay ka dhigeen lama galaay.


Villa were superb tonight 👏


Dhanka kale Man Utd ayaa dhigooda Chelsea ka gaaray guul dahabi ah kana qaadatay dbibcaha ciyaar heerkeedu ahaa iska dhex-dhexaad kuna soo idlaatay 2-1, waloow Man utd qaybti hore kubad fiican ciyaarayeen sido kale fursado badna oo ay abuureen lkn kamaydlsan faa'ideysan oo ilaa 5- goal oo cad ayay iska khasaariyeen oo xitaa uu ku jiro rigoore laga qabtay Bruno.

Si kastaba ha ahaatee Red deviles ayaa gacanta ku dhigtay 3️⃣ dhibcood oo ay u dagaalameen iyadoo uu labada jeerba McTominey uu shabaqa gaatay! 🙌🔴.
United ayaa guushan ka dib soo gashay booska 6-aad ee horyaalka.


ka dib guushass ay ka gaareen Chelsea haataan Manchester United ayaa guuldarro la’aan ah 12-kulan oo isku xigta oo ay la ciyaartay Chelsea kulan ka tirsan horyaalka Premier League.
Dhabnka kale Markii labaad ee xilli ciyaareedkan, Scott McTominay ayaa laba gool ku dhaliyay Old Trafford si uu guul qaali ah ugu hogaamiyo Manchester United isla markaana uu cadaadiska uga yareeyo tababare Erik ten Hag.
Man Utd Chelsea ayaantan meel bay ugu xirantahay!




- Dhinaca kale Liverpool ayaa guul muhiim u ahayd ka gaartay Sheffield United iyagoo ku garaacay 2-0 goolashana waxaa ukala dhaliyey Reds Virgil van Dijk  iyo Dominik Szoboszlai Reds ayaana haatan hoosta ka soo galay kuna soo dhawaadeen Arsenal, iyagoo haatan 2 dhibcood ka hooseeya!
-Kala horaynta horyaalka ka dib kulumadi 15-aad waa sidaan.
1. Arsenal (36)
2. Liverpool (34)
3. Aston Villa (32)
4. Manchester City (30)






Diyaadiyey: AbdihakenLukavic____________________________________
DHAMAAD________________________________________________________













Post a Comment

0 Comments