
Declan Rice ayaa gool madax ah udhaliyay kooxdiisa Arsenal sidaasna guul cajiib ah ku siiyey kooxdiisa kadib ciyaar la yaab leh oo todoba gool layska dhaliyey,the Gunners ka hadeertan waxayna hogaanka Premier Leaque-ga ku qabteen shan dhibcood oo nadiif ah.
Waxaa xusid mudan in Arsenal ay hogaanka ciyaarta kaga hormartay dhigooda Luton ka dib fursad fiican oo ay sameeyeen markii Gabriel Martinelli uu kubad dhulka ku socota uu ka helay Bukayo Saka sidaasna goolka a ku heleen.
Kubbad madax ah oo uu Gabriel Osho ka helay Alfie Doughty ayaa ciyaarta barbaraha u keenay wax yar ka dib Luton, laakiin markii Gabriel Jesus uu madax ku dhaliyay kubad uu soo karoosay Ben White oo meel fog ka soo toogtay Gunners ayaa u muuqatay in ay dib u soo ceshatay ciyaarta.
Kulankaan ayaa ahaay kulan adag oo ay kooxda martida loo ahaa ay laba jeer iska caabiyeen gunners oo goolal kala hormartay ciyaartana ka dhigey 2-2 isla, intaas kumay joogine Luton ayaa hadana qabatay hogaanka kulanka kana dhigeen natiijada 3-2 markii ay labada goolba u kala dhaliyeen Elijah Adebayo iyo Ross Barkley 8-daqiiqo ka dib markii la isku soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta, iyadoo Arsenal laga yaabsaday markaan lkn Arsrnal ciyaarta waa ku soo laabteen 3-3 ayayna ka soo dhgeen waxaana diideen ciyaartoyda Gunnersku inay Luton oo taageerayaasheeda ku hor-ciyaaraya ay dhibco ka qaataan iyadoo labada gool ee dambe ee ee Arsenal laga dhaliyey Arsenal lagu eedeeyey inuu qaladaadkooda lahaay goolhayaha Arsenal David Raya.
Si kastaba ha ahaatee, Hatters ayaa loo diiday dhibic qiimo leh ka dib markii Rice uu heley karoos uu soo qaaday Martin Odegaard daqiiqadii toddobaad ee waqtigii dhimashada, 23 ilbiriqsi ka dib markii lixdii daqiiqo ee lagu daray ay dhamaatay.
Sidaasna ayayna Arsenal ku xaqiijisatay guushan muhiimka ahayd taas oo ka cawisey inay dhibco ay ku nafisi karaan ay haatan ka sareeyaan kooxaha ku soo xiga ee Liverpool iyo Man City.
Dhanka kale kooxda Gary O'Neil ayaa guul caaqibo leh gurigooda Molineux kaga gaaray dhigooda Burnley ciyaar adag oo ku soo dhamaatay 1-0 iyadoo uu goolka guusha uu u dhaliyey Hwang Hee-chan waxayna kooxda Wolves sidaas ku heshay guushaad adad weliba xilli muhim ah iyadoo Burnley-na uu haatan xaalku ku xunyahay iyagoo fadhiya boosaska hoose ee seria B da lagu aado.
Diyaariyey: AbdihakenLukavic_____________________________ DHAMAAAD!!!________________________________________
0 Comments