Liverpool ayaa hadda soo gashay kaalinta 1-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League ka dib markii ay guul caaqibo leh oo 2-0 ah ka soo gaartay Burnley oo ay safar u ahaayeen.
Nunes iyo Jota ayaana guushan ka cawiyey kooxda klopp iyagoo labadan gool kala dhaliyey labadii qaybood ee ciyaarta.
Burnley waa kooxdii ugu horeysay ee taariikhda horyaalka Ingariiska ee laga badiyay sagaal ka mid ah 10kii kulan ee furitaanka xilli ciyaareed markaas oo ay ku ciyaarayaan gurigooda.
0 Comments