INTER OO TAAKO LOO DHIGEY LOONA DIIDEY INAY HOGAANKA KU QABATO 7 DHIBCOOD!

 Kooxda Inter Milan ayaa sanadka 2023 ku soo dhamaysanaysa ciyaaraha horyaalka Seria A barbaro ay la gashay xalay kooxda Genoa.






Inter Milan ayaa dhibco lumisay markii afaraad kaliya xilli ciyaareedkan, iyadoo Jimcihii xalay ahaa barbaro 1-1 ah la gashay Genoa.
Ciyaaryahanka Inter weerarka uga ciyaara ee Marko Arnautovic ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta xaqiiqadii 40 gool madax ahaa u dhaliyay hogaankana ugu dhiibay kooxda hogaanka u heysa horyaalka Seria A,laakin Radu Dragusin ayaa oo daafac ah ayaa ciyaarta ku soo celiyey kooxda martida loo ahaa waqtigii lagu daray ciyaarta ee 45+7 ,inter ayaana awoodi weysay inay hogaanka ku soo laabtaan iyadoo Genoa ay ku dhawaatay i inay guushu raacdo qeybta labaad ee ciyaarta ka dib dhowr mar oo Inter fursado wa wayn lagu heley.
Natiijadaan ayaa ka dhigeysa in Inter ay shan dhibcood ka sareysa haatan kooxda Juventus oo sabtida maanta ah martigelin doonta Roma, halka Genoa ay weli ku jirto kaalinta 13aad.
Dhanka kale kulamadii kale ee xalay Seria A waxaa ka mid ahaa Fiorentona oo ku garaacday Torin 1-0 , Lazio oo 3-1 ku dubatay Frosinone iyo Napoli oo lagu dhegay mar kale iyagoo Monzo 0-0 la dhaafi wayey.

Post a Comment

0 Comments