Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa ciyaartoydiisa meel iskugu keenay Arbacadii si uu ugu diyaariyo kulanka adag ee caawa ee Real Sociedad oo kusoo booqan doonta Old Trafford. Red Devils ayaa maalmihii ugu dambeeyey isku diyaarinaysay sidii ay saddexda dhibcood uga xoogi lahayd kooxda reer Spain, waxaana Arbacadii uu Ten Hag sameeyey saddex arrimood, si guushii shanaad ee xilli ciyareedkan ay usoo hooyaan.
Ten Hag oo ay da’diisu tahay 52 jir ayaa waxa markii ay ciyaartoydu isku yimaaddeen uu u bilaabay tababar fudud oo uu geliyey qolka jimicsiga ee jidh-dhiska ee GYM-ka oo ay cabbaar ku qaateen, waxaana ciyaartoydii jimicsiyadan sameeyey ka mid ahaa Cristiano Ronaldo oo laga arkayay isaga oo si adag isku diyaarinaya.
Xiddiga reer Portugal oo kaliya ciyaartii Brentford kusoo bilowday xilli ciyaareedkan ayaa filaya in uu kusoo bilowdo caawa, waxaanay isku garab tababaranayeen Antony oo ay Manchester United maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ku dhawaaqeen heshiiskiisa, isla markaana gool dhaliyey kulankiisii koowaad ee uu saftay.
Labada weeraryahan ee boosaska joogtada ah haystay xilli ciyaareedkan ee Jadon Sancho iyo Marcus Rashford ayaa iyaguna joogay tababarka.
Arrinta labaad ee uu Erik ten Hag u sameeyey ciyartoydiisa ayaa ahayd in markii ay kasoo baxeen jidh-dhiska, in ay gudaha u galeen garoonka tababarka ee Carrington oo uu laba kooxo yaryar u kala qaybiyey, isaga oo kubbadda ciyaarsiiyey, isla markaana ku layliyey sidii ay u xajisan lahaayeen marka ay kubadda helaan.
Ronaldo ayaa daawanayay DIogo Dalot oo isku dayay in uu taakal ku qabto Antony laakiin waash/tuunaydh ka saaray kubadda, taas oo tababare Erik ten Hag soo jiidatay isla markaana uu weeraryahanka reer Brazil ku xaqiijistay booskiisa kulanka caawa ee Real Sociedad.
Casemiro oo muddo dheer kasoo ciyaaray horyaalka LaLiga, kulamo badanna kahor tegay Real Sociedad ayaa isaguna ahaa ciyaartoy tababarka si fiican u qaatay balse isku dayayey in uu fahmo falsafadda Erik ten Hag ee hore loogu sheegay inuu u baahan yahay inuu la qabsado.
Arrinta saddexaad ee Ten Hag uu ciyaartoydiisa ku tababaray ayaa ahayd in ay sameeyeen orod garoonka dhexdiisa ah oo ay ku wareegeen, si ay u hafto-baxaan oo ay taam u noqdaann jidh ahaan.
Manchester United oo Axaddii 3-1 ku garaacday Arsenal ayay dhamaan ciyaartoydeedu si taam ah u sameeyeen tababarkii ay iskugu diyaarinayeen kulanka Real Sociedad.
_____Lukavic.
0 Comments