Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ogolaatay inay sii waddo maalgelinta $400m (£320m) oo gargaar ah oo loogu talagalay Soomaaliya, taasoo muhiim u ah dowladda si ay u bixiso mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada.
Ku dhawaaqistan ayaa daba socota doorashadii madaxweynaha ee todobaadkii hore dib u dhacday.
Bilooyin badan ayaa siyaasiyiintii dalka hogaamineysay waxaa ka dhex jiray khilaaf xoogan kaasoo sababay dib u dhac doorasho iyo cawaaqib xumo hadii la dami lahaa dhaqaalaha ay bixiso IMF.
Laakin iyadoo madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud uu hadda xafiiska joogo, IMF waxay ogolaatay inay bixiso lacagaha saddexda bilood ee soo socota.
Taasi waxay siin doontaa wakhti ay kula tashato dawladda cusub, taas oo u baahan in ay samayso isbeddel dhaqaale.
Heshiis saddex sano ah oo 2020 lala galay Bankiga Adduunka iyo IMF waa in lagu dhimo deynta weyn ee Soomaaliya oo dhan $5bn lagana dhigo ilaa $500m sanadka soo socda.
Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah ayaa soo dhaweeyay doorashadii Axaddii ee Madaxweyne Maxamuud, iyadoo dad badan ay rajeynayaan in ay soo afjari doonto khilaafka siyaasadeed ee muddada dheer soo jiitamayay ee dowladda ka weecisay wax ka qabashada khatarta Islaamiyiinta xagjirka ah iyo abaaraha.
QM ayaa sheegtay in in ka badan saddex milyan oo Soomaali ah ay halis ugu jiraan macluul daran.
0 Comments