- Apps kuu muhiim ah;
1. Rave: waa App kuu sahlaya innaad qofka kaa fog hal muuqaal wada daawataan. Xitaa wuxuu awood u leeyahay innay dad badan oo meelo kala duwan kala joogaa si wada jir ah u daawadaan hal muuqaal sida muuqaalo ku jira YouTube, Netflix iwm.
2. Intelli : waa App kuu sahlaya innaad xifdido cashar ama erayo. Wuxuu aad u anfacayaa dadka luuqadaha barta. Uma baahnid innuu qof kale korka kaa weydiiyo cashar si aad u xifdido.
4. CapCut: waa App kuu sahlaya innaad muuqaalada ku jar-jarto, kuna qurxiso. Wuxuu anfacayaa dadka muuqaalada sameeya.
5. Spotify: waa App kuu sahlaya innaad dhagaysato barnaamijyada. Waa sida YouTube, laakiin dhagaysi ah. Xayaysiis badan ma leh. Wuxuu anfacayaa dadka jecel innay wax dhagaystaan.
6. Muzz: waa App kuu sahlaya innaad hesho qof aad xidhiidh jacayl la samayso. Waa App la adkeeyey, oo u baahan innaad is-xaqiijiso, si aad u isticmaasho. Wuxuu aad u anfacayaa dhalinyarta guurka u diyaarka ah, ee aan helin qofkii ay guursan lahaayeen.
7. Allison: waa App kuu sahlaya innaad barato aqoon cusub, si bilaash ah. Wuxuu anfacayaa dadka jecel innay mar kasta aqoontooda sii balaadhiyaan.
App-kee ku anfacay adiga?
Hoos nagula wadaag Apps-ka muhiimka ah, ee aad isticmaasho. Soo dhowaada.
0 Comments